U bood dhigaalka

Waxgaradka Galmudug Oo Ku Baaqay Joojinta Dagaalka Miircowleed Ee Galgaduud

Sheeko:Dalka

Hoggaanka odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo dib u heshiisiinta dhinacyada ku dagaallamaya deegaanka Miircowleed iyo deegaanno ku dhaw xadka Itoobiya ee dhanka gobolka Galgaduud.

Afhayeenka odayaasha dhaqanka Galmudug Nabadoon Yaasiin Maxamed Gaani oo lahadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Itoobiya ay kaalin weyn ku leedahay dagaallada ka soo cusboonaaday deegaannada dhanka Xuduuddka gobolka Galgaduud.

Waxa uu sheegay in uu cambaareynayo dowladda Itoobiya oo uu ku eedeeyay inay raali ka noqotay dilalka iyo tacadiyada ka dhan ah maatada ku nool deegaannada Dacdheer, Kaxandhaale iyo deegaanno.

Nabadoon Yaasiin ayaa sheegay inuu ku baaqayo nabad Labada dhinac ah islamarkaana si degdeg ah loogu howlgalo in loo joojiyo colaaddani.

“Waxaan ka xunnahay dagaallada socda, waxaan ka waxgarad ahaan ku baaqeynaa in la joojiyo, dowladda Itoobiya waxaan leenahay celiya ciidankaan idinka calaamadihiina wata ee dadka shacabka ah laynaya” ayuu yiri Nabadoonka.

Dagaallo u dhaxeeya ciidamada Liyuu Boolis iyo dad shacab ah ayaa shalay ka dhacay deegaanka Miircowleed ee gobolka Galgaduud.

Goobjoog News