U bood dhigaalka

Waxgaradka Gedo Oo Cabasho Ka Ah Duqeymaha Diyaaradaha Kenya

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan gobalka Gedo gaar ahaan deegaanka Ceelcadde ee gobalkaasi ayaa walaac ka muujiyay duqeymaha ay geystaan diyaaradaha dagaalka ee Kenya, kuwaasi oo dhibaato soo gaarsiiya dadka shacabka ah.

Mid ka mid ah waxgaradkani oo magaciisa ka gaabsaday ayaa u sheegay Goobjoog News in duqeyn xooggan ay diyaaradaha Kenya ka wadaan deegaanka Ceelcadde iyo deegaanno kale oo halkaasi ku dhaw.

Waxa uu tilmaamay Nabadoonkan in shacabka ay aad uga soo fogaadeen dhammaan deegaanka la duqeynayo iyo deegaanada kale ee ku dhaw.

“Waxaan kasoo cararnay annagii oo shacabka ah deegaanka Ceelcadde, waxaa naloo sheegay in ciidamada Kenya ay kusoo wajahanyihiin halkaasi hadana waxaan ka war helnay oo kaliya duqeyn xooggan oo diyaaradaha Kenya ah, xoolo badan baa ku dhamaaday duqeynta xaaladuna weli ma ahan mid sahlan” ayuu yiri Nabadoonkaasi.

Duqeymahan ayaa daba socda kadib weerar Al-shabaab ay ku qaadeen Jimcihii aynu kasoo gudubnay xero ay ciidanka Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceelcadde ee gobalka Gedo.

Goobjoog News