U bood dhigaalka

Waxgaradka Gedo Oo Kenya Ka Dalbaday Joojinta Duqeymaha Ka Dhaca Goobaha Ay Ku Sugan Yihiin Dadka Rayidka Ah

Sheeko:Amniga

Odoyaasha dhaqanka Gobolka Gedo ayaa waxay ugu baaqeen Dowlada Kenya in ay joojiso falalka duqeymaha ah iyo Dilalka micno darrida ah ee ay Ciidamada Kenya ka geysanayaan deegaanada ay ku nool yahiin  dadka shacabka ah ee reer guuraaga  ah.

55 qof oo shacab ah ayey sheegeen ilaa 2011-kii in Kenya ay ku dishey Gobolka Gedo, halka dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay.

Nabadoon Faarax Hire Guhaad oo ka mid ah Odoyaasha dhaqanka Gobolka Gedo oo la hadlayey Goobjoog News ayaa sheegay in aan loo dul qaadan karin falalka isugu jira duqeymaha iyo dilalka ciidamada Kenya ay geysanayaan deegaanno ka tirsan Gobolka Gedo, isaga  oo sheegay Labadii bilood ee u dambeeyey ilaa Shan ruux in ay ku kala dileen ciidanka Kenya deegaano u dhaxeeya degmooyinka Ceelwaaq iyo Beladxaawo ee Gedo.

Nabadoon Faarax ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay Ciidamada Kenya iney bur-buriyeen Isgaarsiintii degmada Ceelwaaq, halkaasi oo ay ku dileen bishii hore ilaa Labo ruux oo shacab ah, halka xoolo tiro badanna ay ku laayeen Gobolka, wuxuuna ugu baaqey Kenya in ay joojiso xadgudubyada ay ku hayso dadka Soomaaliyeed ee aan waxba ka galabsan.

“Kenya shacabkii wey dhammeysay, cid ay dhaaftay lama arag, duqeyn iyo weerar ay ciidankooda ka fuliyaan Gedo, waxya laayeen shacab aan waxbo galabsan, waxaan leenahay dowladda Kenya haddii aad moodeyn in xisaab aanay jirin maalin baa la idin kala xisaabtami doonaa shacabak Soomaaliyeed ee aad micno darrida ku leyseen” ayuu yiri Nabadoonka.

Ciidamada Kenya ayaa duqeymo ay marar badan ka geysteen deegaanno ka mid ah gobolka Gedo waxay ku dileen shacab iyo xoolo badan.

Goobjoog News