U bood dhigaalka

Waxgaradka Gobalada Jubooyinka Oo Dowladda Ugu Baaqay In Ay Badbaadiyaan Soomaalida Yemen

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan gobalada Jubooyinka ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka ee Soomaaliya in ay soo badbaadiyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yemen.

Nabadoon Xuseen Naaleeye oo ah afhayeenka Odayaasha ayaa sheegay in xilligaan ay wanaagsan tahay in dowladda ay dhexda u xirato sidii ay dadkaasi dib ugu soo celin lahayd.

Dhinaca kale Nabadoonka ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed qudhooda looga baahan yahay in ay qarashaad isku daraan, si dadkaasi loogu soo wado.

“Waxaa hadda wanaagsan in dowladda kaalinteeda ay ka qaadato, in sidoo kale la furo Akoono, shacabka Soomaaliyeedna ay isku daraan qarashaad si shacabka Soomaaliyeed loo soo qaado, lala xiriiro culimada iyo dadka waxgalka u ah bulshada ee Yemen jooga, lacagta iyaga loo diro dadkana ay soo raraan” ayuu yiri Suldaan Naaleeye.

Dalka Yemen waxaa ku dhiban Soomaali badan oo halkaasi qaxooti ku ah, waxaana dushooda ku socda dagaallo iyo duqeymo culus.

Goobjoog News