U bood dhigaalka

Waxgaradka Gobalka Nugaal Oo Diiday Nidaamka 4.5

Sheeko:Dalka

Waxgaradka Gobalka Nugaal oo isugu yimid shir ka dhacay magaalada Garoowe ee gobalkaasi ayaa kasoo horjeestay in dowladda soo socota sanadka 2016 lagu dhiso hanaanka qabiilka ah ee 4.5.

Waxay sheegeen inay ka xun yihiin in Soomaaliya mar kale dib loogu celiyo in qabiil wax loogu qeybiyo ayna wanaagsanaan lahayd qaabka degmo oo ay u arkeen in xal wanaagsan uu yahay.

Caaqil Abshir Cali oo ka mid ah waxgaradkaasi kulmay ayaa sheegay in iyagu ay qabaan hal go’aan oo kaliya, kaasi oo ah in wax lagu soo doorto qaab degmo.

“Hadii aynu nahay umadda Soomaaliyeed, meel walba oo aynu joogno aan Allah ka baqno, shirar badan baa laga qabtay hanaanka doorashada, waxaana soo baxay go’aano u badan hab deegaan, annaga ka Puntland hadii aynu nahay qaab degmo ayaan taageersannahay, laakiinse ma rabno in nidaamka 4.5 aano xilligaa dalka u habooneen” ayuu yiri Caaqilka.

Nabadoon Saciid Xaaji Cabdulle oo isna ka mid ahaa waxgaradkaan ayaa sheegay in KMG uu la socday qabiilka, islamarkaana hadda loo baahan yahay in qabiilka laga gudbo sidii looga gudbay KMG-kii.

“Qabiilka wax lagu qeybsanayo waa laga soo gudbay oo KMG ayuu la socday, hadda miyaa dib naloo celinayaa, waxaan leeyahay aan wax ku dooranno sida Soomaalida danta ugu jirto ee hab degmo”

Shirka madasha Wadatashiga Qaranka ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, maalintii shalay ahayd, waxaana laga soo qaaray 7 qodob oo lagu sharaxayay nooca ay noqon karto doorasho dalka ka dhacday7 2016-ka.

Goobjoog News