U bood dhigaalka

Waxgaradka Gobolka Sh/dhexe Oo Baaq Nabadeed u Diray Beellaha Ku Dagaallamaya Hiiraan

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah waxgaradka ku dhaqan gobolka Shabellaha dhexe ayaa baaq nabadeed u diray beelaha ku dagaallamay deegaanka Yarmook ee gobolka Hiiraan.

Suldaan Axmed Rashiid Sheekh Shuceyb oo kamid ah waxgaradka gobolkaasi ayaa isaga oo la hadlay Idaacadda Goobjoog waxa uu sheegay in ka waxgarad ahaan ay la murgoonayaan dagaalladaasi socda.

Waxa uu sheegay in dhinacyada is haya laga doonayo inay u turaan shacabkooda islamarkaana ay xabadda si shuruud la’aan ah ku joojiyaan.

“Waxaan ugu baaqayaa dadka walaalaha ah ee ku dagaallamay gobolka Hiiraan in si shuruud la’aan ah ay ku joojiyaan dagaallada, waxaan leeyahay dagaal wiil kuma dhashee mid nool buu duugayaa” ayuu yiri Suldaan Axmed.

Sidoo kale Suldaanka ayaa sheegay in hadii dagaalladaan degdeg lagu joojin waayo loo diri doono deegaanka la isku hayo Odayaal dhaqameed, kuwaasi oo ka tagi doona gobolka Shabellaha Dhexe, islamarkaana kala dhexgali doona dhinacyada is haya.

Deegaanka Yarmoog oo qiyaastii dhanka Galbeed 25 km kaga beegan magaalada Baladweyne waxaa ku dagaallamaya Labo Maleeshiyo beeleed, waxaana dagaalkaan uu ka billowday isku qabsashada balli biyood.

Goobjoog News