U bood dhigaalka

Waxgaradka Hiiraan Oo Dhaliilay Maamulka Gobalkaasi

Sheeko:Dalka

Odayaasha dhaqanka ee gobalka Hiiraan ayaa dhaliil usoo jeediyay maamulka gobalkaasi, ka dib amni darro kusoo korortay magaalada Baladweyne.

Gudoomiyaha golaha Odayaasha dhaqanka ee gobalka Hiiraan, Nabadoon Dacar Xirsi Nuur oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in maamulka gobalka uu dayacay wax ka qabashada amniga.

Waxa uu tilmaamay in xil weyn aan la’iska saarin sidii loo sugi lahaa ammaanka, xilli maalin cad shalay degmada Baladweyne Lagu dilay mid ka mid ah Nabadoonada gobalka Hiiraan ugu caansan.

“Dayacaad dhanka maamulka ah ayaa jirta, Kow iyo Laba ma ahan inta Nabadoon ee magaalada Baladweyne lagu dilay, waa in gacanta lagu soo dhigaa dadkii dilay Nabadoon Garweyne” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Shalay ayaa rag hubyesan waxa ay magaalada Baladweyne ku dileen Nabadoon Cumar Garweyne oo ka mid ahaa waxgaradka ugu caansan gobalkaasi, waxaana dhowr jeer sidaan oo kale degmada loogu dilay Nabadoono caan ah.

Goobjoog News