U bood dhigaalka

Waxgaradka Hiiraan Oo Ka Digay Dagaallo Ka Dhaca B/weyne

Sheeko:Amniga

Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in haddii aan degdeg lagu xallin khilaafka ka dhaxeeya madaxweynaha maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare iyo sidoo kale guddoomiyahii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ay keeni karto in uu dhaco dagaal.

Admiraal Khaliif Idiris oo ka mid ah waxgaradkan ayaa u sheegay Goobjoog News, in B/weyne ay haatan gashay xaalad murugsan, islamarkaana haddii xal la waayo dagaal la filan karo.

Sidoo kale, nabadoonka ayaa sheegay in ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti la doonayo in loo adeegsado weerar lagu qaado Yuusuf Dabageed.

“Haddii si nabad ah wax lagu xalin waayo dagaal ayaa imaan kara, ciidamada Jabuuti ayaa isku dayaya iney xoog ku weeraraan Dabageed, waxayna taasi keeni kartaa dagaal ay shacabka ka qeybgalaan, waana waxa aan ka digeyno in lagu degdego weerarka Dabageed” ayuu yiri Admiral Khaliif.

Yuusuf Dabageed, weli waxa uu diidan yahay in uu wareejiyo xilkii dhowaan laga qaaday, waxaana walwalka ugu badan yahay in dagaal uu ka dhaco magaaladaasi, maadaama madaxda maamulkaasi ay ammar ku bixiyeen in lasoo xiro Dabageed.

Goobjoog News