U bood dhigaalka

Waxgaradka Hiiraan Qaarkood Oo Dhaliilay Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Ugaas Cali Ugaas Maxamed Ugaas Shafeec oo ka mid ah duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog Fm ayaa faah faahin ka bixiyay kullan ay magaalada Baladweyne ku yeesheen habeenkii xalay ahaa ugaasyada gobolka Hiiraan, kaasi oo uu sheegay in looga hadlayey aayaha iyo mustaqbalka gobalkaasi.

Ugaaska ayaa sheegay in la’isku soo hadal qaaday sidii maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe loo dhisi lahaa, wuxuuna sheegay in marnaba aysan suurta gal noqon doonin in magaalada Baladweyne iyo guud ahaan Gobolka Hiiraan mudnaanta Koowaad laga siiyo gobolka Shabellaha Dhexe.

“Anigu waxaan ka mid ahay Ugaasyadii furitaankii Shirkii Jowhar, waxaan meeshaasi moodeynay iyo sida soo baxdayna aad bay isku khilaafeen, waxaan maanka ku haynay in umadda reer Shabellaha dhexe iyo Reer Hiiraan iyaga la’isku madaxbaneeyo, Ugaasyadooda, waxgaradkooda, aqoonyahannadooda dhammaan in iyaga ay aayahooda ka tashanayaan, dowladdana ay arrintaasi fududeynayso, waxa ay ku leedahay talada fududeyn kaliya ay noqoneyso sidaas ayaan u haysannay sidaas ayaana ku tagnay wallow ugaasyo qaar oo reer Hiiraan ay hadda meesha tagin arrintaa markii shirkaa lagu furay kadib waxaa soo baxday waxaas wax khilaafsan, runtii waxaad ogtahay dalkaan dowlad ayuu leeyahay, dowladda iyadaa laga rabaa inay waxyaabaha qalloocan toosiso, waxaa soo baxay in wax la’isku meeriyay, inaan waxbo la tashanin, in taladii la’isku madax baneen waayay” ayuu yiri Ugaas Cali.

Dhinaca kale Ugaaska oo ka hadlayay qaabka hadda maamul loogu dhisi karo Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in ka dhaqan ahaan ay soo dhaweynayaan isku darka Labadaasi maamul, isaga oo tilmaamay in ay tahay muhiimad gaar ah in la siiyo rabitaanka shacabka Hiiraan taasina lagu gaari karo is faham wanaagsan iyo qancinta shacabka.

Waxgaradka ku dhaqan gobolka Hiiraan qaarkii ayaan ku qanacsaneen hanaanka la doonayo in loo dhiso maamulka Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Goobjoog News