U bood dhigaalka

Waxgaradka Koonfur Galbeed Oo Kasoo Horjeestay Hannaanka Loo Dhisayo Aqalka Sare

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed oo kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa kasoo horjeestay hannanka lagu heshiiyay ee la doonayo in lagu dhiso aqalka sare.

Waxay sheegeen in aysan dooneyn xilligaan in qaab ka duwan 4.5 wax lagu soo xulo.

Malaaq Deyrow oo ka mid ah waxgaradkan ayaa sheegay inta laga gaarayo doorasho qof iyo cod ah ay doonayaan oo kaliya in wax lagu soo dhiso qaab qabiilka ee 4.5.

“Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed waxaan ka shirnay sida loo qeybsanayo aqalka sare oo la leeyahay maamullo ayaa lagu dooranayaa annaga taasi ma ogolin inta laga gaarayo qof walbo iyo codkiisa waxaan diyaar u nahay in 4.5 wax lagu soo xulo, waxaan caalamka u sheegaynaa inaan la idiin ku qaldin rabitaan shaqsi ama mid maamul ka yimid” ayuu yiri Malaaqa.

Qaar kale oo ka mid ah waxgaradkan kulmay ayaa sheegay in waxgaradka Koonfur Galbeed aysan marnaba dooneyn in aqalka sare ee dalka ay soo xulaan maamul goboleedyada dalka ka jira.

Dhinaca kale waxgaradkan ku shiray magaalada Baydhabo ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaallada iyo dhibaatooyinka ka jira gobolka Shabellaha Hoose, iyaga oo dowladda dhexe iyo Koonfur Galbeed ugu baaqay in arrintaasi ay degdeg wax uga qabtaan.

Goobjoog News