U bood dhigaalka

Waxgaradka ku dhaqan degmada Kaxda oo sheegay in cuduro ay ka dilaaceen daadadkii Muqdisho (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

KaxdaWaxgaradka ku dhaqandegamnda Kaxda ee gobalka Banaadir ayaa sheegay in cuduro ay ka dilaaceen daadadkii ka dhashay roobkii dhawaan ka da’ay magaalada Muqdisho, taasi oo saameyn ku yeelatay shacabka degan degmadaasi.

Nabadoon Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah waxgaradka degmada Kaxda ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in dhibaatada ugu daran ay hayso dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan degmadaasi.

Waxa uu sheegay Nabadoonka in cuduradaan oo shubanka iyo duumada ka mid yihiin ay aad u saameeyeen dadkaasi, sidoo kalena aanu jirin goobo caafimaad oo dabooli kara baahida dadka ay qabaan.

Cunto la’aan iyo helista biyo nadiif ah ayuu sheegay in ay aad ugu yar tahay degmada Kaxda, waxaana uu sheegay in dadka Barakaca ah aanay helin kaalmooyin ku filan.

Dhinaca kale Nabadoonkaan ayaa sheegay in caruurta ku dhaqan degmada Kaxda aanay haysan waxbarasho, waalidiintana aanay awoodin in ay iska bixiyaan qarashka waxbarashada caruurtooda.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News