U bood dhigaalka

Waxgaradka Ku Dhaqan Mareerey Oo Ka Cabanaya Isbaarooyin Yaala Wadooyinka Gala Deegaankaasi (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan deegaanka Mareerey ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa cabasho ka muujiyay Isbaarooyin ay sheegeen in ay yaalaan wadooyinka gala degmadaasi.

Xasan Faarax oo ka mid ah waxgaradkaan ayaa u sheegay Goobjoog in Isbaarada ay dhigtaan ciidamo ka mid ah dowladda, waxaana uu sheegay in ay la yaabeen saraakiisha sheegtay in Isbaarooyin la qaaday.

“Wax la qaaday ma jiraan, idinka waad soo mari kartaan, maamulkana sidoo kale, habeenkii darawalada Qoriga Afkiisa ayeey ku garaacaan, dhibweyn ayaan ku qabnaa sida loo  keenay Milatarigaan, wixii ciidan ahaa inta ayaa lagu soo daayay” ayuu yiri Xasan Faarax.

Dhanka kale waxa uu sheegay in maalintii ay lacago ka qaadaan gaadiidka, habeenkiina ay jirdil iyo dhac u geystaan darawalada iyo sidoo kale dadka rakaabka ah.

Dhawaan ayaa maamulka gobalka Shabeelaha Hoose waxa uu sheegay in ay qaadeen Isbaarooyin badan oo gaadiidka lacag looga qaadi jiray, sidoo kale mararka qaar ay dhibaateen jireen dadka shacabka ah.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News