U bood dhigaalka

Waxgaradka Ku Sugan Cadaado Oo Fariin u Diray Musharraxiinta Madaxweyne Ee Galmudug

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku sugan magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa fariin waxa ay u direen dhammaan musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Galmudug.

Suldaan Cabdikariin Suldaan Maxamuud oo ka mid ah waxgaradkaasi ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog News waxa uu sheegay in looga baahan yahay musharaxiinta hadii midkood uu guuleysto ay inta kale taageeraan.

“Kolley 6-da qof ee u taagan xilka madaxweynaha Galmudug ma wada helayaan, mid kaliya ayaa helayo, inta kale waxaan leenahay taageera oo bogaadiya shaqsiga guuleysta”

Suldaanka ayaa dhinaca kale ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka Galmudug in ay si cadaalad ah wax u doortaan iskana ilaaliyaan shaqsi jeclaysi waa sida uu hadalka u dhigaye.

Maanta waxaa dhici doona doorashada madaxweynaha Galmudug iyo Ku xigeenkiisa, waxaana socota qaban qaabada bilaabashada doorashadani.

Goobjoog News