U bood dhigaalka

Waxgarad Ku Sugan Galgaduud Oo Ka Hor Yimid In Xubnaha Baarlamaanka Federaalka Ku Matelaya In Lagu Soo Xulo Cadaado

Sheeko:Baarlamaanka

Qaar kamid ah waxgaradka ku dhaqan degaannada waqooyi ee gobalka Galgaduud ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Caabudwaaq  waxay si rasmi ah u sheegeen in aysan tegi doonin magaalada Cadaado.

Magaalada Cadaado oo horay loo shaaciyay inay tahay halka lagu soo xulayo xubnaha baarlamaanka ee ka imaanaya beelaha Galmudug ayaa waxaa maalmihii dambe magaaladaasi ku sii qulqulayay odayaasha dhaqanka beelaha goballada dhexe gaar ahaan Mudug iyo Galgaduud.

Odayaasha iyo waxgaradka waqooyiga Galgaduud ee Caabudwaaq ka hadlay ayaa ka hor yimid in xubnaha baarlamaanka Federaalka ee dowladda cusub ku mateli lahaa in lagu soo xulo magaalada Cadaado.

“Annagu haddaan nahay odayaasha dhaqanka ee beelaha Caabudwaaq iyo Balanbal uma soconno Cadaado, xubnaha baarlamaanka dowladda cusub nagu mateli karaan waxaase diyaar u nahay inaan ka qeyb galno doorashada cusub ee dowladda lagu dhisayo” ayay yiraahdeen odayaashaas.

Waxay soo jeediyeen in loo tixgeliyo codsigooda oo ay ku sheegeen in degaannadooda ay ku soo xushaan.

“Guddiga doorashada iyo beesha caalamka waxaan ka codsanaynaa in aan xubnaha na matalaya ku soo xulanno degaannadeeda, waxaana idin sheegayaa in dhaqankeenna uu dhan uu joogo magaalada Caabudwaaq” ayay sidoo kale hadalkooda ku sii dareen.

Magaalada Cadaado oo ah xarunta KMG ah ee dowlad gobaleedka Galmudug ayaa waxaa ka socda qabanqaabada la xiriirta sidii loogu soo xuli lahaa xubnaha labada aqal ay ku yeelanayaan beelaha goballada Galgaduud iyo Mudug ee Galmudug.

Goobjoog News