Waxgaradka Muqdisho Oo Ku Baaqay Joojinta Dagaalka Deefoow (Dhageyso)
Waxgaradka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedka ka socda deegaanka Deefoow ee gobalka Hiiraan, kaasi oo dad badan ay ku dhinteen.
Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo u waramay Goobjoog Fm ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaaladaan, si shacabka ay nabad ugu degaan.
“ Waa dagaal aynu aad uga xunnahay, waxaan rabnaa in shuruud la’aan lagu joojiyo, waxaan ugu baaqeynaa dhinacyada dagaalamaya in nabadda ay wada qaataan, maamulka iyo Odayaashana kaalin haka qaataan damintaa colaadaan” ayuu yiri Nabadoon Xaad
Dhanka kale Nabadoon Xaad ayaa sheegay in ka waxgarad ahaan xitaa ay ku baxayaan dagaalada hadii lagama maarmaan ay noqoto in iyaga ay halkaasi aadaan.
Dagaal u dhaxeeya beelo wada dega deegaanka Deefoow oo 35 KM dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada Baladweyne ayaa halkaasi dib uga bilawday, waxaana ilaa hadda jirin qorshe cad oo dagaalkaasi lagu daminayo.
Halkaan Hoose ka dhageyso.
Goobjoog News