U bood dhigaalka

Waxgaradka Reer Berbera oo Sheegay in aaney Weli Ku Qanacsaneyn Heshiiska Maalgashiga Dekedda ee DP World

Sheeko:Dalka

Waxgaradka reer Berbera ayaa wali ku sii adkaysanaya diidmada ay kaga soo horjeedaan heshiiska maalgashiga dekedda Berbera ee  xukuumadda Somaliland iyo shirkadda DP World, waxayna digniin u direen Shirkadda oo ay u sheegeen iney shaqada ay ka hor istaagi doonaan.

Odayaal reer Berbera ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaysan reer Berbera ka soo dhaqaaqin mabda’oodii ahaa yaan dekadda Berbera lagu wareejin DP Worl.

Maxamuud Cabdi Guray oo ka mid ah odayaal arrintan ka hadlay waxa uu xukuumadda ku dhaliilay inay iska indho tireyso talada dadka Berbera waxaanu sheegay inay ka hor iman doonaan talaabo kasta oo shirkaddu isku daydo inay  ka qabato dekadda Berbera oo iyagu ay ku tilmaameen in la iibiyey ee ayna ahayn maalgelin waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

” Waanu diidanahay sidii aanu horeyba u diidanayn  waxaanu dhaliilaynaa talaabo kasta oo  shirkadda lala galay  waana la  iibiyey dekadda maaha arrin maalgelin oo waanu haynaa xogta , balse waxaanu u sheegaynaa inaanay wax shaqo ah ka qaban doonin dekedda iyo Berbera toona oo ay joogan dadkii diidanaa  wali , sidaasi darteed shirkaddu hadda ayey hawsheedu dhawdahaye haka fiirsato wali heshiiska ay xukuumadda la gasha “.

Odayaashani waxay sheegeen inayna dan shacabka Somaliland ayna ugu jirin arrintan  heshiiska  oo ay ku tilmaameen mid ay wadagaleen Ethiopia iyo  shirkadda DP World oo ay Somaliland jirin wax talo ah oo ay ku leedahay marka  laga reebo siday yiraahdeen lacagta ay qaateen.

Wasiirro uu hogaaminayo wasiirka qorshaynta Cali Axmed Shoonbe  ayaa  6-dii bishan sagaalaad magaalada Dubai  heshiiskan kula saxiixday shirkadda DPWorld . waxaana heshiiskan inay xukuumaddu shirkadda  la geli karto kalsooni siiyey baarlamaanka Somaliland inkasta oo ay jireen dhinacyo kale oo diidanaa heshiiska.

Goobjoog News