U bood dhigaalka

Waxgaradka Shabellaha Hoose Oo Ku Howlan Xalinta Beello Dagaallamay

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin sidii ay ku xalin lahaayeen dagaal beeleed kusoo noqnoqday qaar ka mid ah deegaanada gobalkaasi.

Nabadoon Xaashi Dhega-cadde oo ka mid ah waxgaradkaan ayaa isaga oo u waramay Goobjoog News, waxa uu sheegay in meel walba ay nabadda ka raadin doonaan, islamarkaana la xalin doono beelaha walaalaha ee dagaallamaya.

Waxa uu sheegay in dagaalladaan oo kale aysan horay u arag, islamarkaana ay u arkaan ka waxgarad ahaan in sababta dagaalladaan ay ka dambeeyaan dad siyaasadda ku jira.

“Dagaaladaan waa la siyaasadeeyay, waxaad arkaysaa iyadoo dad Soomaaliyeed la leeyahay dhulkaan anigaa leh, waxaana u arkaa in howshaan dad kale ay wadaan ha ahaado Federaalkaan, ama maamul gobaleedyadaan” ayuu yiri Nabadoonka.

Ugu dambeyn Nabadoon Xaashi ayaa ugu baaqay dhinacayada isku haya gobalka Shabellaha Hoose, in ay nabadda qaataan, islamarkaana ay dib u eegaan wada dhalashada iyo mudadii dadku isla deganaa.

Goobjoog News