U bood dhigaalka

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Sheeko:Dalka

 

Mogadishu, 05 December 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Soomaaliya iyo Shiinaha oo xiriirka xoojinaya, Madaxweynaha oo Waraaqihii Aqoonsiga ka guddoomay Safiirada Thailand iyo Finland, Xafiiska Howlgalka Ciidamada wadajirka ah oo xariga laga jaray, Safiirada Soomaaliya ee dalalka Cumaan iyo Koofur Afrika oo waraaqihii aqoonsiga laga gudoomay, Aqoon isweydaarsi ku saabsan Waajibaadka Dowladaha Hoose oo Muqdisho lagu qabtay, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland oo Heshiis Nabadeed kala saxiixday, Guddiga Madaxa-Bannaan ee Dastuurka oo cutubyo cusub lagu wareejiyey, 9 Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo lagu dilay Maxaas, Ciidanka XDS oo deegaano Baraawe ka tirsan kala wareegay Al-Shabaab iyo Tababar Caalami ah ee Kubadda laliska oo Muqdisho lagu qabtay,

Soomaaliya iyo Shiinaha oo xiriirka xoojinaya

Madaxweynaha Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, ayaa 4tii November 2015 kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Johannesburg. Kulankan taariikhiga ah ayaa labada hoggaamiye waxay kaga wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal, iyo in si buuxda loo soo celiyo mashaariicdii horumarinta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee Shiinaha uu ka wadey Soomaaliya. Madaxaweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa Shiinaha uga warramay xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo horumarka muuqda ee Soomaaliya ee dhinaca nabadgelyada iyo dowlad dhisidda, waxaana uu sheegay in Shiinaha iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir qota dheer, lana joogo waqtigii la sii xoojin lahaa. Hoggaamiyaha Shiinaha waxaa uu intaa ku darey in khubarro ay u soo diri doonaan Soomaaliya si ay daraasad ugu sameeyaan barnaamijyada ay labada dal iska kaashan karaan. Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka socotey labada dal.

Madaxweynaha oo Waraaqihii Aqoonsiga ka guddoomay Safiirada Thailand iyo Finland

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 1dii Diseember 2015 warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha Boqortooyada Thailand iyo Jamhuriyadda Finland wakiilka uga noqonaya Soomaaliya. Danjiraha Boqortooyada Thailand, Mr Prasittiporn Wetprasit ayaa noqonaya danjirihii ugu horeeyay ee abid ay Thailand u soo dirto Soomaaliya, waxaana uu Madaxweynaha soo gaarsiiyay dhambaal uu ka siday Boqorka Thailand, Bhumibol Adulyadej. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo danjiraha Thailand, ayaa ka wadahadley muhimadda xiriir iskaashi oo dhex mara labada dal, waxaana labada dhinac ay isku af-garteen inay ka wada shaqeyaan mashaariicda caafimaadka, beeraha, waxbarashada iyo adeegyada kale ee bulshada. Dhanka kale, Madaxweynaha waxaa uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Jamhuriyadda Finland wakiilka uga noqoneysa Soomaaliya, Ms Tarja Orvokki Fernandez. Madaxweynaha iyo Danjire Fernanzez ayaa ka wadahadley xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, gaar ahaan adeegyadii caafimaad ee Finland ka fulin jirtey Soomaaliya, sida barnaamijkii dabargoynta cudurka Qaaxada ama TB. Danjire Fernandez ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud soo gaarsiisay dhambaal ay ka sidday Madaxweynaha Jamhuriyadda Finland, Sauli Niinistö, waxayna sheegtay in Finland ay si weyn u daneyneyso dib u soo nooleynta xiriirkii ay la lahayd Soomaaliya, isla markaana ay doonayaan inay sii xoojiyaan, siina ballaariyaan.

Xafiiska Howlgalka Ciidamada wadajirka ah oo xariga laga jaray

Munaasab ballaaran oo lagu maamuusayay furitaanka xarunta cusub ee Howlgalka Ciidamada wadajirka ah (JOCC) ayaa 3dii Diseember 2015 waxaa ka qeybgalay R/wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte, Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Abaanduulaha Ciidanka XDS, Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ee dhinaca siyaasadda iyo amniga, saraakiil ciidan iyo Danjirayaasha wadamada UK iyo Sweden. R/wasaare ku xigeenka ayaa ku soo wareegay qeybaha ay ka koobanyahay xaruntaasi cusub ee loo diyaariyay JOCC, isagoo warbixin ku saabsan waxqadka xafiiskaasi ka dhageystay saraakiisha kala duwan ee JOCC. Danjiraha dowadda UK ee Soomaaliya oo munaasabadda ka hadashay ayaa sheegtay in dowladda Britain ay kaalin wax ku ool ah ka qaadatay diyaarinta xarunta JOCC, iyadoo rajeeysay in howlgalka JOCC uu ku baaho gobollada kala duwan ee dalka. R/wasaare ku xigeenka dalka mudane Maxamed Cumar Carte oo isagu xarigga ka jaray xaruntaasi ayaa ku amaanay dowladaha Britain iyo Sweden doorka ay ka qaateen diyaarinta xafiiskan, isagoo hoosta ka xariiqay in howlgallada wada jiraka ah ee JOCC ay gacan ka geysan doonaan adkeynta amniga caasimadda dalka ee Muqdisho.

Safiirada Soomaaliya ee dalalka Cumaan iyo Koofur Afrika oo waraaqihii aqoonsiga laga gudoomay

Suldaanka Saldanada Cumaan Suldaan Qaabuus Bin Siciid ayaa 2dii Diseember 2015 waraaqahii aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Soomaaliya ee Cumaan Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano). Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali Taano waxa uu kulan gaar ah la qaatay Suldaan Qaabuus bin Siciid, isagoo u gudbiyay Salaan uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud, sidoo kale Suldaanka ayaa Danjiraha ka codsaday in uu salaan taa lamid ah ka gaarsiiyo Madaxweynaha Soomaaliya. Dhanka kale Madaxweynaha Koofur Afrika Jacob Zuma ayaa waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Koofur Afrika Danjire Jamal Maxamed Barrow. Danjire Jamal ayaa Madaxweynaha Koofur Afrika u gudbiyey dhambaal uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud.

Aqoon isweydaarsi ku saabsan Waajibaadka Dowladaha Hoose oo Muqdisho lagu qabtay

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ayaa 2dii Diseember 2015 furay aqoon isweydaarsi ku saabsan waajibaadka aas aasiga ah ee dowladaha Hoose oo ay ka qeyb galeen Wakiilo ka kala socda maamul goboleedyada iyo xubno kale. Wadatashiga iyo aqoon isweydaarsiga ku saabsan waajibaadka aas aasiga ah ee dowladaha hoose iyo baahida loo qabo in la helo machad lagu barto howlaha looga baahanyahay shaqaalaha ka howlgalla xafiisyada dowladaha Hoose, ayna soo qaban qaabisay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka ah ayaa waxaa ka qeyb galay Wakiilo ka kala socday maamul goboleedyada, Galmudug, Koonfurgalbeed, Jubbaland, xubno ka socday Maamulada Hiiraan, Banaadir iyo qaar ka mid ah Wasaaradaha dowladda, kaasi oo ah mid hal maalin. Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka banaadir Iimaan Nuur Iikar ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan helidda machad lagu barto waajibaadka looga baahanyahay shaqaalaha dowladaha Hoose. Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ah ee Soomaaliya Prof Yaxye Cali Ibraahim ayaa xusay in qorshahan ay ku soo beegantahay xilli loo baahnaa, isla markaana ay Wasaaraddu yeelato machad arrimahaasi wax lagu barto. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ah ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig oo furay aqoon isweydaarsiga ayaa sheegay in ujeedka ay Wasaaraddu u qabatay arrinta ay tahay in lahelo shaqaalo loo carbiyay howlaha loo idmaday. Aqoon isweydaarsiga ku saabsan waajibaadka aas aasiga ah ee dowaldaha Hoose ayaa la filayaa in laga soo saaro tallooyin wax ku ool ah oo ku saabsan hirgelinta machad arrimahaasi lagu barto, si shaqaalaha dowlaha Hoose ay u noqdaan kaadiriin si hufan uga soo dhalaala howlaha loo xilsaaray.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland oo Heshiis Nabadeed kala saxiixday

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa 2dii Diseember 2015 heshiis rasmi ah ka gaaray colaadii ka aloosneyd magaalada Gaalkacyo, waxaana heshiiskani goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashid Sharmarke, madaxweyne-yaasha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sh. Aadan, iyo Jubbaland Axmad Maxamed Islaam, xubno ka tirsan golaha Wasiirada, xildhibaano, nabadoono, iyo mas’uuliyiin mataleysay beesha caalamka. Munaasabad ka dhacday Gaalkacyo ayaa waxaa si fool ka fool ah isugu soo hor fariistay labada Madaxweyne, waxayna qalinka ku duugeen heshiis ka kooban afar qodob. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa uga mahadceliyay Madaxda Puntland iyo Galmudug sida ay ugu hogaansameen qodobada heshiiska, waxa uuna xusay in heshiiskani uu hormuud u noqdo nabad iyo isfaham dhex mara maamulada deriska ah.

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Dastuurka oo cutubyo cusub lagu wareejiyey

Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan la socodka Dastuurka KMG ah ee dalka ayaa 1dii Diseember 2015 waxa ay cutubyo ka tirsan dastuurka ay ku wareejiyeen Guddiga Madaxabanaan ee dib u eegista dastuurka dalka si ay dib u eegis ugu Sameeyaan, halka guddiga madaxa banaan ee dastuurka ay dhinacooda ay iyaguna ay Guddiga baarlamaanka u qaabilsan la socodka dastuurka y ku warejiyeen 3 cutub oo ay dib u eegis ku soo sameeyeen . Sedexda cutub ee maanta lagu wareejiyey guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka ayaa kala ah kan 6-aad oo ka hadlaya awooda baarlamaanka iyo wajibaadka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,7-aad oo ka hadlaya awoodaha Madaxwaynaha uu siinayo dastuurku iyo 8 aad oo qeexaya awoodaha iyo howlaha ay qaranka ugu xilsaarantahay laanta fulinta ama xukuumadda. Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Wasiirka Dastuurka ayaa ka qayb galay kulankani ay labada gudi ay iskula wareejinayeen cutubyada dastuurka ee qaarna dib dib u eegista lagu Soo sameeyey kuwa kalena ay guddiga madaxa banaan ay ku soo sameyn donaan dib uu eegid . Dastuurka KMG ah ee Dalka oo ka kooban 15 cutub ayaa waxaa dib u eegis lagu sameeyey 5 cutub oo ka mid ah.

9 Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo lagu dilay Maxaas

Ciidanka XDS ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa howlgal ay 29kii November 2015 ka sameeyeen agagaarka degmada Maxaas ku dilay 9 qof oo ka tirsanayd maleeshiyada kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. Laba Xiddigle, Maxamed Muumumin Saneey, oo ka tirsan saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Maxaas ayaa sheegay in ay ciidanku howl-gallo ka sameeyeen tuulooyin iyo degaanno hoos taga degmada, halkaas oo uu iska horimaad ku dhex maray maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab. Ciidanka XDS oo kaashanaya AMISOM ayaa kooxda Al-Shabaab ka saaray degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan oo ay ku sugnaayeen, sidoo kale ciidanka ayaa hadda ku howlan sidii ay meelaha ay ku hareen ee gobolka ka tirsan uga saari lahaayeen maleeshiyaadka argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Ciidanka XDS oo deegaano Baraawe ka tirsan kala wareegay Al-Shabaab

Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyed oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa howlgalo ay 29kii November 2015 ka sameeyeen duleedka degmada Baraawe ay kula wareegeen deegaanno ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab. Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Koonfurgalbeed ee Somaaliya Maxamed Caseyr oo u waramay Radio Muqdisho ayaa sheegay in tuulo 7 kiilo mitir u jirta dhanka Koonfur ka xigta magaalada Baraawe ay la wareegeen ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM, kadib howlgallo ay halkaasi ka sameeyeen. Afhayeenka ayaa intaa ku daray inay ciidanku ay sii wadi doonaan howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyaadka Al-Shabaab, isla markaana ay jiraan tababaro la siiyay ciidamada maamulka Koonfurgalbeed si ay gacan uga geystaan dib u xoreynta deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan haraadiga Al-Shabaab.

Tababar Caalami ah ee Kubadda laliska oo Muqdisho lagu qabtay

Tababar heer Caalami ah oo kubada Lalisla oo ay ka qeyb qaadanayeen 18 macalin oo xirfada macalinimo la barayay ayaa 29kii November 2015 lagu soo gebagebeeyey magaalada Muqdisho, waxaana xaflada xeritaanka kasoo qayb galay mas’uuliyiin ka socotay Guddiga Olombikada Soomaaliyeeed, madaxda xiriirka kubadda Lalaliska, madaxda xririirada kale gedisan iyo marti sharaf kale. Tababarkan oo mudo12 maalin socday waxaa soo qaban qaabiyay guddiga Olombikada Soomaaliyeed, waxaana bixiyaynay laba Macalin oo u kala dhashay dalalka Mauritius iyo Ethiopia. Guddoomiyaha Xiriirka kubadda LaLiska Cabduqaadir Cumar Abuukar ayaa sheegay in ujeedka tababarka loo qabtay ay ka dambayso sidii xiriirka ku yeelan lahaa Macalimiin wax soo saar wanaagsan yeesha, wuxuuna macaliinta seminarka ka qaybgalay uu kula dardaarmay in aqoonta la baray ay si wanaagsan u gubiyeen bahda kubadda Laliska waxuuna mahad celin usoo jeediyay Guddiga Olombikad Soomaaliyeed oo suura geliyay tababarkan. Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS, Cabdullaahi Axmed Tarabi oo xaflada soo xeray ayaa sheegay in tababarkan uu qayb ka yahay qorshaha GOS ee horumarinta xiriirada isboortiga iyo gobolada dalka si ay macaliinta wax uga soo saaraan iskuulada degmooyinka iyo gobolada.