U bood dhigaalka

Waxqabadka Xukuumadda Federaalka Ee Bishii January 2016

Sheeko:Dalka

Goobjoog Fm waxay bil walba idiin Soo gudbisaa warbixin ka hadlaysa waxqabadka Xukuumadda Soomaaliya.

Warbixintan ayaa diiradda lagu saaraa wax kasta oo wax qabad u muuqda islamarkaana ay qabtaan Wasaaradaha Xukuumadda Soomaaliya si loo ogaado waxqabadka dhabta ah ee ay hayaan Wasaaradaha Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa Warbixintaan ay diiwaangelisaa Kuwa aan wax qabad la imaan Iyadoo ku soo bandhigta Warbixinta si loo ogaado Sida ay wasaaraduhu u kala shaqo Badan yihiin. Waxa ayna u iftimisaa Warbixintaan Xukuumadda In ay go’aan ka gaarto Wasaaradaha aan waxqabadka Lahayn.

Haddaba waxaan Ku billaabi doonaa warbixinta waxyaabaha u qabsoomay Xukuumadda Gaar ahaana Xaafiiska Raysal wasaaraha Bishii Jannaayo ee sanadkan 2016-ka.

1.0           XUKUUMADDA.

1.1   Jannaayo 3, 2016. Golaha Wasiirada ayaa go’aamiyay in xiriirka Diplomaasiyadeed loo jaro dowladda Iiraan ka dib Kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.  Kulankan ayaa warbixino looga dhegeystay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Wasaaradda Amniga Qaranka, waxaana diiradda lagu saaray dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah xiriirka Diplomaasiyadeed oo ay waday sanadihii la soo dhaafay Safaaradda Iiraan ay ku leedahay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana warbixintan lagu xusay eedeymo kala duwan oo saameynaya Amniga Qaranka, Khataro Dhaqaale, mid Bulsho iyo mid Diineedba leh.

1.2   Jannaayo 11, 2016. Raysal wasaare ku xigeenka dalka ayaa furay Qorshe Horumarineed cusub oo lagu hirgelinaayo siyaasadda kala duwanaanshaha Nolosha Soomaaliya. Siyaasaddan ayaa ka kooban qodobo muhiim ah oo hiigsigeeduna gaarayo illaa 2050-ka, waxaana kamida siyaasaddan in laga faa’iideysto waxyaabaha u qaaliga ah nolosha sida Xoolaha,Beeraha,Kalluumaysiga IWM.

Sidoo kale waxaa lagu xusay qorshahaan in la illaaliyo hantida dabiiciga ee dalku leeyahay sida Nuucyada dhirta, Kalluunka, Xayawaanada Duurjoogta ah ee sii dabar go’aya sida Gumburiga, Goodirka iyo noocyo ka mida Sagaarada.

Mar uu Mudane Carte ka hadlayay hirgelinta Qorshahan waxaa uu sheegay in la horgayn doono PSG4 si looga dhaqan galiyo Hiigsiga Cusub (New Deal) looguna daro Qorshaha Horu-marineed ee Qaranka, sidoo kale Ra’iisal Wasaare ku-Xigeenku wuxuu xusay in Qorshahan lagu hir-gelinayo Siyaasadda Noolaha kala duwan ay xukuumadda ka go’antahay in la hirgeliyo Madaxwaynahana loo gudbin doono.

1.3   Jannaayo 28, 2016. Golaha wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa ansixiyay qodobadii ka soo baxay Shirkii Hoggaamiyaasha ee Madasha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Doorasho ee sanadkan 2016 oo ka dhacay Magaalada Mogadishu.

Qodabada Lagu heshiiyey ee ka soo baxay Shirka madasha wadatashiga Qaran ayaa ahaa in Aqalka hoose ee baarlamaanka lagu soo xulo Nidaamka 4.5, Halka aqalka sarana lagu soo dhiso 54 xubnood oo ka imaanaya maamul Goboleedyada jira iyo kuwa dhismaya, 48 ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ayaa si siman loogu qaybin doonaa dowlad goboleedyada federaalka ee hadda jira iyo kuwa sameysmaya.
Xubnaha 6-da ah ee soo haray ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxaa si siman loogu qaybin doonaa Somaliland iyo Puntland.

1.4    Jannaayo 31, 2016. Raysal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegey in Guddi xaqiiqa raadin ah ay Xukuumaddu u saartey duqeynta ay Ciidamada Kenya ka Gaysteen Deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo.

Guddigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya ayaa dhawaan tegi doona deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo, si ay u soo qiimeeyaan xaaladda dadka halkaasi ku nool iyo saameynta ay ku yeelatay duqeymaha xagga cirka ah ee ay Ciidamada Kenya ka gaysteen Halkaas.

2.0            WASAARADDA CAAFIMAADKA

2.1. Jannaayo 4, 2016. Wasaaradda Caafimaadka DF ee Soomaaliya ayaa dhismo cusub ku soo kordhisay isbitaalka Balanbal iyadoo kaashanaysa hay’adaha UNDP, UNICEF iyo IMC. Isku Duwaha Wasaaradda Cafimaadka ee Gobolka Galgaduud Cabdixakiin Guhaad Diiriye ayaa sheegay in Wasaaradda caafimaadka ay ka go’an tahay in sanadkaan 2016  ay gaarsiiso caafimaadka guud ahaan dalka, isla markaana xarumaha cusub ee lagu soo kordhiyay loogu adeegi doono bulshada.

3.0           WASAARADDA AMNIGA GUDAHA

3.1              Jannaayo 3, 2016. Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirasaaq Cumar Maxamed ayaa ciidanka ku bogaadiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab isagoo sheegay in ciidamada qalabka sida ay ku guuleesteen ka hortaga weeraro dhowr ah oo Argagixisada ka geysan rabtay qeybo ka mid ah dalka.

3.2              Jannaayo 9, 2016. Ciidamada Asluubta ayaa magaalada Muqdishu waxa ay ka aruuriyeen Carruurta Derbi Jiifta ah iyagoo u sameeyey Hooy, iyo dhaqan celin. Taliyaha Ciidanka Asluubta Mudane Bashiir Maxamed Jaamac oo sharaxaad ka bixiyay ayaa sheegay in wixii carruur ah ee da’adoodu yar tahay ay gayn doonaan Xarunta Carruurta lagu dhaqan celiyo ee Afgooye iyadoo kuwo waawayna uu sheegay la bari doono xirfado ay ku shaqaystaan oo dibjirnimada kaga baxaan.

4.0           WASAARADDA WARFAAFINTA

4.1   Jannaayo 3, 2016. Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay in daraasad ay sameysay Wasaaradda Warfaafinta lagu ogaaday in askariga uu yahay halyeeyga sanadkii tegay, maadaama ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay har iyo habeenba u taaganyihiin difaaca Qaranimada Soomaaliya.

Wasiir Maareeye ayaa xusay in daraasaddu ay sameysay Wasaaradda Warfaafinta uu u horgeyn doono golaha Wasiirada, si abaal marin loo guddoonsiiyo ciidamada qalabka sida meelkasta oo ay joogaan, maadaama ay u taaganyihiin gudashada waajibaadkii loo idmaday, ayna tahay mid wanaagsan in la abaalmariyo.

4.2   Jannaayo 11, 2016. Shirka Istiraatiijiyadda warbaahinta soomaaliya oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda warfaafinta ayaa waxa uu ka furmay Magaalada Muqdishu. Shirka ayaa waxa ka soo qeyb galay Wasiiradda Warfaafinta maamul goboleedyada dalka iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay.

Shirkaan ayaa Waxa uu daba socday shirkii qaran ee warbaahinta Soomaaliya oo bishii November lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaas oo waxyaabihii ka soo baxay ay ku jireen in la sameeyo istiraatiijiyad qaran oo warbaahinta Soomaaliya lagu horumariyo shanta sano ee soo socota.

Ujeedada Shirkan ayaa ah in la sameeyo qorshe 5 sano ah oo lagu Hormarinayo Weriyaha iyo Warbaahinta Soomaaliya

4.3   Jannaayo 20, 2016. Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa dhagax dhigay xarunta TV-ga maamulka Kooofur Galbeed ee magaalada Baydhaba.

Wasiirka ayaa ugu baaqay dadka reer Koofur Galbeed in ay ka qeyb qaataan dhismaha Xarunta afka maamulka Koofur Galbeed. Iyo dhismaha xarunta TV-ga iyo Idaacadda si ay u noqoto xarunta dadka hanuunisa.

 

5.0           WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA

5.1   Jannaayo 7, 2016. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wafdi la socda oo gaaray Dalka Suudaan ayaa Kulamo la yeeshay Madaxda wasaaradda arrimha gudaha iyo Taliska Ciidanka Dalka Sudan. Sidoo Kale Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa la kulmay madaxda sare ee dowladda suudaan iyagoo ka wada Hadlay iskaashiga labada dal. Wafuuda uu la kulmay Wasiir Odawaa waxaa Ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Suudaan.

5.2   Jannaayo 9, 2016. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Federaalka ayaa kulan is xog wareysi ah la yeeshay Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barta magaalada Khartuum ee Dalka Suudaan.Wasiir Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa Dhammaan Ardayda Waxbarashada ku guda jira waxa uu kula dar-daarmay in ay xoojiyaan Dadaalkooda.

5.3   Jannaayo 12, 2016. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe uga furay shirka maamul u sameynta shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyay munaasabadda furitaanka shirkaasi ayaa sheegay in muhiim ay tahay dhisidda maamul loo sameeyo gobolada shabeelaha dhexe iyo Hiiraan, waxaana uu ugu baaqay Odayaasha labada gobol in ay xoojiyaan islamarkaana ay dar dar galiyaan dhisidda maamulka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballan-qaaday in dowladda ay ka shaqeyneyso sidii loo dhameystiri lahaa dhisidda maamulka labada gobol ayna fududeyneyso wax walbo oo fududeyneya dhismaha maamulka.

5.4   Jannaayo 13, 2016. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay in dowladda ay ku guuleysatay hirgelinta Nidaamka federaalka, isla markaana caalamadihii guuleysiga ay ka muuqdaan shirka Jowhar ka furmay.

Dhinaca kale Cabdiraxmaan Maxmaed Xuseen ayaa kula dar-daarmay inay ku kalsoonaadaan duubabka dhaqanka, si uu u miro dhalo hadafka loo joogo shirka Jowhar.

5.5   Jannaayo 14, 2016. Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa ka furmay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose, Shirka waxaa Daahfuray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana Goobjoog Ka ahaa guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya, Ra’iisul-wasaaraha dalka, madaxweyneyaasha Jubbaland, Koonfur-Galbeed, Puntland iyo Galmudug iyo masuuliyiin kale.

Furitaanka shirka, ayaa masuuliyiinta ka hadashay waxaa ay sheegeen sida ay muhiim u tahay in ay madaxda Soomaalida ay soo saaraan wax ay isku raacsan yihiin isla markaana keeni kara hab lagu mideysan yahay oo sheegaya qaabka doorasho ee dalka lagu qaban doono sanadka 2016-ka.

5.6   Jannaayo 16, 2016. Shir looga Hadlayey Arrimaha Federaalka oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

Shirkaan waxaa Hogaaminayay Forum of Federation oo ay xubno ka yihiin Dowlado Badan oo ay ka mid tahay Soomaaliya. Shirkan ayaa waxaa si qota dheer looga hadlay Arrimaha Federaalka Soomaaliya iyo Sidii looga shaqeyn lahaa Arrimaha la xiriira Federaalka. Shirkaan ayaa Ujeedkiisa ugu weyn waxa uu ahaa sidii dadka Soomaaliyeed loo fahansiin lahaa Federaalka.

5.7   Jannaayo 17, 2016. Shirkii Madasha Wada Tashiga Qaran ee lagu qabtay magaalada Kismaayo ayaa lagu soo gabagabeeyay Halkaasi, iyadoo aysan jirin natiijo rasmi ah oo ka soo baxay shirka, oo ay isku waafaqsanyihiin Madaxda Soomaalida.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo Wariyeyaasha hadal kooban siiyay ayaa sheegay in shirka la soo gabagabeeyay, isagoo tilmaamay inay jireen arrimo farsamo oo la isku qabtay iyo kala aragti duwanaan u dhaxeysay Madaxda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in meel wanaagsan ay wax marayaan, isagoo xusay in dib loo ballamay, waxaana uu sheegay in Xukuumaddiisa ay dib ka soo sheegi doonto waqtiga la isku soo laaban doono.

5.8   Jannaayo 17, 2016. Wasiirka arrimaha gudaha ayaa kulamo looga arrinsanayo soo xulista Ergooyinka iyo qaabka loo qeybsanayo la yeeshay odayaasha labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Kulamadaan ayaa looga hadlay jadwalka uu ku soconayo howlaha maamul u sameynta labada gobol, waxaana qorshuhu yahay in ka hor inta aan bishan dhammaan ergooyinka ay dhameystiraan qorshe howleedka maamul u sameynta.

Wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa la guda galay, iyadoo la xarayn doono ergooyinka ka qeyb galaysa shirka, kuwaasoo howshoodu tahay ansixinta dastuurka uu maamulkaas yeelanayo iyo shuruucdii kale ee maamulka labada gobol.

6.0           WASAARADDA MAALIYADDA

6.1   Jannaayo Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Hindisaha Daah-furnaanta Dowladda, waxa ayna horgaysay Golaha wasiirada.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aden Ibraahim Farkeeti oo u gudbiyey Hindisahaan Golaha Wasiirada ayaa sheegay in dawladdu xoojinayso kalsoonida ka dhaxaysa shacabkeeda, taas oo sahlaysa in qof kasta uu awood u yeesho inuu fahmo oo la fal-galo nidaamka dawladnimada.

 

7.0           WASAARADDA HAWEENKA

7.1   Jannaayo 2, 2016. Wasaaradda haweenka ayaa so qabanqaabisay kulan looga tashanayay siyaasadda Qaran ee jinsiga kaa oo ka dhacay Magaalada Muqdisho. Xildhibaanad Bishaaro Cabdi Garabeey oo ka hadashay madasha ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsantahay diyaarinta sharcigan, ayna soo dhawaynayaan ka baarlamaan ahaan.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa tilmaamtay in sharcigan uu yahay markii ugu horeysay oo la diyaariyo, ayna u gudbin doonto golaha Wasiirada, kaasi oo ka hortagi doono xadgudubyada ka dhanka ah jinsiga.

7.2   Jannaayo 7, 2016. Wasaaradda Haweenka ayaa qabatay kulan looga hadlayo sameynta sharciga arrimaha gudniinka.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqda aadanaha Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay in kulanka uu yahay mid looga hadlayo sharci u sameynta arrimaha gudniinka, waxaana ay intaa raacisay xubnaha ka socda Wasaaradaha dalka looga baahan yahay inay door ku yeeshaan sameynta sharcigan, ayna qaban doonaan kulamo kale oo looga tala gelin doono qeybaha bulshada.

8.0           WASAARADDA GAASHAANDHIGA

8.1   Jannaayo 2, 2016.  Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa xafiiska ku qaabilay Taliyaha Ciidamadda Midowga Africa ee  AMISOM Jeneraal Mohammedesha Zeyinu, waxaana kulanka ku weheliyey Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed iyo saraakiil ka tirsan AMISOM. Waxa ayna ka wada hadleen ammaanka guud ee dalka iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa sanadka cusub howlgalada lagu baacsanayo kooxaha ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya.

8.2   Jannaayo 20, 2016. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini Ayaa dhagax dhigay Warshad casri ah oo sameyn doonta labiska Ciidanka Qalabka sida, waxaana furitaanka Warshaddan goob-joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda.

Warshaddaan ayaa waxaa dhismaheeda gacan ka gaysanaya dowladda Turkiga, waxa ay ciidamada ka haqab tiraysaa baahida labiska taasi oo keenaysa in laga maarmo labis la’aanta haysata ciidamada Xoogga Dalka. Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in lixda bilood ee ugu horeysa sanadka cusub uu ku soo gaba-gaboobi doono mashruucan.

8.3   Jannaayo 20, 2016. Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa  tababar ugu soo xiray Dugsiga Tababarka Ciidammada ee magaalada Muqdisho dufcaddii 3-aad ee ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumandoska.

Dugsigan waxaa maalgeliya isla markaana gacanta ku haya Dalka imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa kula dardaarmay dhallinyarada sida gaarka ah loo tababaray inay ka soo dhalaalaan kaalinta looga fadhiyo ee xasilinta iyo nabad ka aslaaxinta waddanka.

8.4   Jannaayo 31, 2016. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Safiirka Ingiriiska u fadhida Soomaaliya Amb Harriet Mathews ayaa kala saxiixday heshiis Dhanka ammaanka ah.

Wasiirka ayaa sheegay in Heshiiskan uu wax badan ka tari doono Sidii Labada Dal ay isaga kaashan lahaayeen La dagaalanka Xagjirnimada.

Wasiir Diini, ayaa tilmaamay in Britain kaliya aysan ka qeyb qaadan xaqiijinta ammaanka, balse ay Soomaaliya ka taageeraan arrimo badan oo kamid yihiin Siyaasadda iyo dhismaha Ciidanka Qalabka Sida.

Safiirka Britain ee Soomaaliya Harriet Mathews ayaa waxa ay sheegtay in mar kasta ay la garab istaagayaan Dawladda Soomaaliya taageero dhinac walba ah, sida xasilinta dalka, Harriet Mathews ayaa u rajeysay dawladda Soomaaliya in ay ku guulaysan doonto qorshayaasheeda kala duwan.

8.5   Jannaayo 31, 2016. Ciidamo Ka tirsan kuwa Xooga dalka oo tababar ugu soo gabagaboobay dalka Turkiga ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdishu.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa Bogaadiyey ciidamada Tababarka u soo gabagaboobey, waxa uuna kula dardaarmay  saraakiisha tababarka dhamaysatay aqoontii la soo baray in ay uga faa’iideeyaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Wuxuuna tilmaamay muhiimadda ay qaranka u leedahay tababarkooda iyo ku soo biirista Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyed.

9.0           WASAARADA ARIMAHA DIBADDA

9.1   Jannaayo 2, 2016. War saxaafadeed ku qornaa afka Carabiga oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarka safaaradda Sacuudiga uu jabinayo heshiisyadii caalamiga ahaa ee dhinaca diblomaasiyadda ee 1961-kii ee lagu gaaray magaalada Vienna.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay heshiiskaas uu farayo ilaalada xarumaha Safaaradaha ku yaalla aduunka iyo shaqaalaha Diblomaasiyadeed.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay war saxaafadeedka in Soomaaliya ay ku garab taagan tahay dowladda Sacuudiga howl galadeeda ay kaga hortageyso argagixisada, isla markaana ay ku taageereyso adkeynta amniga iyo xasiloonida Boqortooyada ka wado dalkeeda iyo gobolkaba.

9.2   Jannaayo 24, 2016. Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka arrimaha dibadda Mudane Cabdisalaam Hadliye Cumar oo ka qeyb galay shirkii ugu horreeyey ee Wasiirada Arrimaha Dibaddda ee dalalk Carabta iyo Hindiya.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ka Hadlay shirka wuxuuna xusay in xiriir taariikhiga ah uu ka dhexeeyo dowladda Hindiya iyo wadamada carabta.

Wuxuu uu sheegay in ay wanaagsantahay in si wada jir ah loo waajaho argagixisada caalamka.  Wuxuu Sidoo Kale sheegay in Somaaliya maanta ay isbedel weyn ka sameesay dhinaca nabadgelyada iyo degenaanshaha dalka, wuxuu xusay in iskuulada si caadi ah loo tago, suuqyada iney buuxaan oo si caadi ah loogu adeegto, iyo in Soomaaliyada ku noolaa dibadaha ay dalka ku soo noqonaayaan si ay uga qeyb galaan dib u dhiska dalka.

 

10.0       WASAARADDA WAXBARASHADA

10.1          Jannaayo 2, 2016. Wasaaradda Waxbarashada ayaa ka digtay in afka Soomaaligu dabar go’o.Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Soomaaliya Khadra Bashiir Cali oo saxaafadda kula hadleysay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in hadii aan qoriska iyo ku hadalka afkaane hooyo la ilaalin uu gabi ahaanba dabar go’ayo.

10.2          Jannaayo 17, 2016. Dibad bax lagu taageerayey Barnaakijka Aada Dugsiyada ayaa ka dhacay Daljirka daahsoon ee magaalada Muqdishu, Dibad baxaan waxaa soo qaban-qaabiyey Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya, waxaana ka soo qeybgaley Raysal wasaare Ku xigeenka Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Arday iyo qeybaha kale ee Bulshada,

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa ku guubaabiyey shacabka Soomaaliyeed inay u istaagan xoojinta iyo adkaynta Qorshaha Aada Dugsiyada oo ay ka faa’iidaysteen shan dugsi oo qaarkood ay ku jiraan Carruur Agoon ahi.

10.3          Jannaayo 21, 2016. Wasaaradda waxbarashada ayaa soo qabanqaabisey xaflad loogu dabaaldegayey Munaasabadda xuska sanadguuradii 43-aad ee ka soo wareegtay markii la qoray Afka Soomaaliga taas oo ka dhacdey Muqdisho.

Munaasabadda waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynaha Soomaaliya, wasiirka waxbarashada, wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska, xildhibaano iyo guud ahaan bahda waxbarashada, iyadoo dadkii munaasabadda ka hadlay ay muujiyeen baahida loo qabo in la horumariyo afka Soomaaliga.

Wasiirka waxbarashada Marwo Qadro Bashiir ayaa munaasabadda ka sheegtay in wasaaraddu ay ku dadaali doonto sidii loo xoojin lahaa afka Soomaaliga looguna dhigi lahaa dugsiyada aas aasiga ah ee dalka, waxeyna ku boorrisay bulshada Soomaaliyeed iney gacan ka geystaan horumarinta Afka Soomaaliga

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee cilmiga dhaqanka fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed ayaa sheegay in wadamada dunidu ay ku horumareen afkooda, isagoo xusay in dowladda ay ka go’antahay sidii ay u horumarin laheyd afka hooyo ee Soomaaliga.

11.0       WASAARADDA QORSHAYNTA.

11.1          Jannaayo 6, 2016. Wasaaradda qorshaynta ayaa daah furtey Shirk Horumarka Himilooyijka waara.

Shirka hanaanka himilooyinka horumarka waara ayaa waxaa lagu gorfeynayaa 17 hadaf oo u baahan in wax laga qabto sida la dagaalanka faqriga,horumarinta Waxbarashada,ka hortaga isbedelka cimilooyinka, iyo arrimo kale oo muhiim u ah dalkeena hooyo, waxaana hadafka kulankani ka furmay magaalada Muqdisho  lagu sheegay in uu yahay fahamka guud ee Himilooyinka horumarka Waara ee 2030-ka.

11.2          Jannaayo 14, 2016. Wasaaradda Qorshaynta ayaa Tababar Ku saabsan Habka Qorshaynta Horumarka u qabatey Qaar kamid ah shaqaalaha wasaaraddaha Xukuumadda Soomaaliya.

Tababarkaa o ay soo qabanqaabisey wasaaradda Qorshaynta ayaa waxaa gacan ka gaysaya hayadda UNDP ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Horumarinta Barnaamijyada.

Tababarkaan oo muddi Saddex maalin ah Socanayey oo uu Bixinayey Dr Hashim Al Ali ayaa u jeedkiisu waxa uu ahaa sidii loo dhisi Lahaa tayada Qorshaynta Shaqaalaha wasaaradaha ay howshoodu tahay Horumarinta iyo Qorshaynta.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaradda Qorshaynta Mudane Abdi Diirshe oo ka hadalay Furitaanka Tabbarka ayaa sheegay in ay muhiim u tahay Dhammaan Waaxyaha Qorshaynta Dowladda iyo Kuwa dowlad goboleedyada Qaadashada tababarkaan waxa uuna tilmaamey in tababarkan u ka caawin doono Sidoo ay u diyaarsan lahaayeen Qorshayaasha Horyaalla Wasaaradha Ay metalaan.

11.3          Jannaayo 19, 2016. Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka caalamiga Ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Garoowe Ku qabatey Shirka Wadatashiga Qorshaynta Qaranka oo ay ka soo qaybgaleen Dhammaan dowlad Goboleedyada Soomaaliya Kajira.

Shirkan looga hadlayo Qorshaha Horumarinta qaranka oo muddo Afar maalin ah Ka socdey Garoowe ayaa waxaa Lagu wadaa inuu bedelo Midka Hiigsiga, Kadib Dhammaadka Sanadka 2016-ka. Waxaana laga soo sari doona qoraal kadib Marka ay dhamaadan wadatashiyada Socda, iyadoo lagu salayn doono Qaab dhismeedka Dhaqaalaha Saddexda sano ee Soo socota.

Dulucda Gabagabadi Shirka ayaa la isla afgartey in Mudnaanta la siiyo Sida ay u kala Mudanyihiin iyadoona diiradda La saarayo Dejinta staraatiijiyad Horumarineed iyo Ka faaidysiga iyo Horumarinta Kheyradka iyo in Si siman looga faaidaysto Dhaqalaha, waxaana Shirkan kiisa xiga ayaa lagu qaban doona Magaalada Kismaayo ee Maamulka Juballand.

11.4          Jannaayo 30, 2016. Wasaaradda Qorshaynta ayaa Shir u qabatey agaasimayaasha wasaaradaha Sooomaaliya.

Shirkaan oo ah mid Billa ah ayaa waxaa ka soo qaybgaley Qaar ka mida Agaasimayaasha wasaaradaha kala duwan ee Xukuumadda waxa ayna Ka hadkeen waxa u qabsoomay iyo caqabadaha hortaagan. iyagoo balan qaaday inay dar dargelin doonaan adeegyada ay bulshada u hayaan.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Cali Ceynte ayaa tilmaamay in u jeedka shirkan bilkasta loo qabto ay tahay in Wasaarad kasta ay la timaado qorshe howleed lagu horumarinayo howlaha ay hayaan, waxaana uuna Sheegey In Wasaaradda Qorshayntu ay ku guulaysatey Soo celiyeen Xiiirka soomaaliya ay la laheed Wadamo Badan oo Caalamka ah.

 12.0       WASAARADDA DHALINYARADA IYO CIYAARAHA

12.1          Jannaayo 8, 2016. Shirweynaha guddiga Olombikada Soomaliya ayaa lagu qabtay Muqdisho Shirweynaha oo soconayay 6-7  January  ayaa waxaa warbixin   lagu falanqeynayo  waxyaabihii GOS u qabsoomay sanadkii tagay ee 2015 Gudaha iyo dibadda iyo waxa hada uqorsheeysan ineey qabtaan sanadkan  oo ay kamid aheyd   faahfaahinta dhaqaalaha soo gala GOS iyo sida  ay uqarashaareyso waxaa soo jeediyay xoghayaha GOS Duran Axmed Faarax.

Wasiirka dhalinyarada isboortiga Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux  oo shirweynaha ka hadlay ayaa tilmaamay in Wasaaraddiisu  ay ka go’an tahay horumarinta Isboortiga ,waxuuna ku baaqay in la qabto shirweyne  ay ku kulmayaan  Wasaaradda ,GOS,xiriirada iyo   odayaashii hore ee isboortiga taasoo ah ari ay  ku xalin karaan dhibaatooyinka jira guud ahaan ayna si wadajir ah guul uga gaari karaan sidii ay dowladda uu qancin lahaayeen in ay kaalin muuqata ka qaadato horumarka isboortiga dalka.

 13.0       WASAARADDA DASTUURKA

13.1          Jannaayo 10, 2016. Guddiyada dastuurka madaxa banaan iyo kan baarlamaanka soomaaliya ayaa dib u eegis ku sameeyay 10 cutub oo ku jira dastuurka qabyada ah ee dalka, kaddib kulan ay ku yeesheen magaalada Nairobi, iyadoo kulankaasna uu soo xiray guddoomiye ku xigeenka 1 aad ee baarlamaanka somalia.

Kaddib kulan howleed muddo laba todobaad ah uga socday magaalada Nairobi ee xarrunta wadanka Kenya xubnaha guddiga dastuurka madaxa banaan iyo kan baarlamaanka Somalia ayaa dib u eegis loogu sameeyay ilaa 10 Cutub oo ku jira dastuurka qabyada ah ee dalka.

Kulanka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda dastuurka ee dalka ayaa gabagabediisa waxaa ka soo qeybgalay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Somalia mudane Jeylaani Nuur Iikaar, wasiirka dastuurka ee XFS mudane Xuseen Maxamuuud Sheekh Xuseen iyo safiirka DFS u fadhiya dalka Kenya amb Jamaal Maxamed Xasan.

13.2          Jannaayo 10, 2016. Wasaaradda dastuurka Dalka ayaa soo qabanqaabisey, kulan looga hadlayey nooca Federaalka ugu habboon ee dalkeenu qaadanayo, maqaamka caasaimadda ay yeelanayso , qaybsiga qayraadka dabiiciga ah ee dalka iyo awoodda maamul oo ay kala yeelanayaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, waxaana ka soo qeyb galey raysal wasaaraha dalka Cumar C/rashiid.

Kulanka ayaa warbixin looga dhagaaystay aqoonyahanno loo xilsaaray in ay talo ka siiyaan dowladda Soomaaliya arrimaha federaalka iyo dastuurka dalka.

Wasiirka Dastuurka ayaa sheegey in kulanka uu ahmiyad gaar ah u leeyahaynuuca federaalka laqaadanayo, waxa uuna tilmaamey in dhamaan qodobadda ka soo baxa laga talagalin doono dowlad gobolyeedda dalka.

14.0       WASAADADDA BATROOLKA

14.1          Jannaayo 14, 2016. Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya Ayaa Ansixiyey Xeerka Diiwaangelinta Shidaalka, oo ay soo Gudbisey wasaaradda Batroolka Soomaaliya.

Ujeedada Xeerkani ayaa ah sidii Lo diiwaangelin lahaa Shirkadaha Ka shqeeya Shidaal Baarista Si ay u fuliyaan howlaha la xiriira shidaalka ku jira dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), in La ogaado Macluumaadka Quseeya Shirkadaha La diiwaangelinayo  iyo Heshiisyada ay  Horey U haysteen IWM.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dawladda Federaalka Soomaaliyeed waxaa ka maqan nuqalidii heshiisyadii hore loola galay shirkadaha shidaalka ee xaqa u siinaya in ay ka howl galaan JFS Si loo aruuriyo xogta lagama maarmaanka u ah maamulidda, heshiisyadaas, ayaa waxaa Golaha Wasiirada ay ansixiyeenna Xeerka Diiwaangelinta Shidaalka taasoo ay maamulayso Wasaaradda Batroolka and Macdanta.Sidoo Kale Shirkadaha waxaa sida ugu dhaqsiyaha badan looga codsan doonaa inay soo gudbiyaan cadeymaha muujinaya xaqooqda shidaal ee ay leeyihiin.

15.0       WASAARADDA CADAALADDA

15.1          Jannaayo 16, 2016. Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa furay shir looga hadlayo nidaam casri ah oo lagu keydiyo kiisaska loo keeno xeer ilaalinta dalka.

Shirka waxaa ka qeybgalay wasiirka Cadaaladda, taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, aqoonyahanno iyo aqoonyahano.

Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Macalin Daahir oo ka hadlay furitaanki shirka ayaa ka sheekeeyay baahida loo qabo in la helo nidaamka Database-ka ee lagu keeydiyo kiisaska xeer ilaalinta.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Bashiir Goobbe ayaa sheegay in nidaamkani uu qiimo u leeyahay hanaanka garsoorka dalka, wuxa uuna tilmaamo ka bixiyay sida uu u fidudeyn karo nidaamkan howlaha garsoorka dalka.

Wasiirka Cadaaladda oo isna ka hadlay Shirka ayaa ka hadlay ahmiyadda gaarka ah ee nidaamkani u leeyahay cadaaladda iyo garsoorka dalka, wuxuuna xusay in wasaaraddu ay gacan ka geysan doonto hirgelinta nidaamkani, iyo wax kasta oo lagu horumarinayo hanaanka garsoorka dalka.

Haddaba shaxda Hoose waxa ay muujinaysa sida ay ukala wax qabad badanyihiin Wasaaradaha Xukuumadda Soomaaliya.

Magacyada

W.D: Abdikani Ali Adan

Tel: 0615121200

Email:[email protected]

Mogadishu-Somalia

[email protected]

© Goobjoog News