U bood dhigaalka

Waxyeellada Wariyeyaasha Kasoo Gaartay Qaraxii Zoobe

Sheeko:Dalka

Dhawcyada ay qabaan wariyeyaasha ku waxyeeloobay qarixii 14-kii bishan ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ayaa isugu jira kuwo fudud iyo kuwo culus intaba, kuwaas oo ku jira isbitallada Muqdisho.

C/qaadir Maxamed Cabdulle (Okey) oo kamid ah weriyeyaasha VOA oo dhaawac culus kasoo gaaray qaraxan ayaa loo qaaday dalka dibaddiisa gaar ahaan Turkiga, si uu u helo daryeel caafimaad.

Dhawaca weriyahaas ayaa la xaqiijiyay in dalka aan waxba looga qaban Karin, taasina ay keentay in dalka dibadiisa loo qaado sida ay Goobjoog u xaqiijisay marwada C/qaadir Okey.

C/qani Cali Seed, Axmed Cabdi Haadi iyo Maxamed Cumar Baakaay ayaa kamid ah wariyeyaasha ku dhawacmay qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magalada Muqdisho.

Weriye Cali Nuur Siid Axmed oo ahaa filim qaade si madax banaan ula shaqeynayey VOA ayaa isna ku dhintay qaraxaasi halka ilaa iyo hadda nolol iyo geeri midna aan lagu sheegin Cabdullaahi Cismaan Faarax oo kamid ahaa weriyaasha Muqdisho meelo kala duwanna kasoo shaqeeyay.

Bakar Siid Axmed oo la dhashay Cali Nuur siid Axmed ayaa sheegay in dhimashda walaalkii ay ku noqotay mid lama filaan ah.

“Wuxuu ahaa filim qaade oo Kaamirad ku shaqeysta, wuxuu la shaqeynayey wariye Okey oo ka tirsan VOA oo isna dhaawacmay, waa walaalkey iga yar, inta badan anaa gacanta ku hayey, wuxuu kamid noqday dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay Km-5” ayuu yiri Bakar.

Ururka saxafiyiinta nosoj qoraal kasoo baxay waxa ay ku canbaareeyeen qaraxaasi oo dad badan ay ku naf waayeen, iyagoo sheegay intaasi ay aheyd dhacdadii ugu xanuunka badneeyd inta la xususto.

Maxamed Cabdi Xasan

Goobjoog News