U bood dhigaalka

Web iyo Adeeg  Caan ahaa oo Xirmay kadib markii ay Suuqa Qabsadeen Facebook iyo Twetter

Webkan oo lagu Magacaabo Friends reunited ayaa xirmay kadib 15 sano uu hawada ku jiray, waxaa bartan ku kulmi jiray Saxiibo hore oo ama isku Iskuul ahaa ama isku deegaan ahaa, waa dad yaraantoodii is yaqaanay oo xusuus ka dhaxeyso.

Bartan waxaa ay ka mid aheyd goobaha caanka ahaa, lakin waxaa uu xirmay markii dadka ay bateen Facebook iyo Twetter.

Ninka aas-aasay ayaa sheegay in hoos u dhac webka kadib markii sida uu sheegay uu tartan adag ka soo wajahay Facebook oo dadkii Macaamiisha u ahaa halkaas ayey aadeen.

Dadkii ku xirnaa ama ku xiriiri jiray webkan ayaa si weyn uga xumaaday markii haddii go’aan lagu gaaray in la xiro shabakad ay ku xirnaayeen muddo 15 sano ah.

Dadka isticmaala Webka ayaa sheegay in dhibaato kale ay soo wejihi doonto webab kale iyo shakado kale oo hadda suuqa ku jira, waxaa kaloo walwal laga qabaa sida Facebook iyo Twetter ay u qabsadeen suuqa Social Media.