U bood dhigaalka

Webiga Shabeelle oo Ku Fatahay Tuulooyin Hoos Yimaado Jowhar.

Sheeko:Caafimaadka

Wabiga Shabeelle ayaa maanta ku fatahay Tuulooyin hoosyimaada magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulka Hirshabeelle, waxaana ka mid ah deegaanada uu Wabiga ku fatahay Kalluundi, Timire iyo Maangaay oo dhammaan ku teedsan jiinka Wabaiga Shabeelle ,

Fatahaadda Webiga uu sameeyey ayaa saameyn ku yeelatay dhul beereed baaxad weyn oo dalagyada nuucyadooda kala duwan ay ku yaalaan maadaama dhulka webiga ku teedsan inta badan  ay  degan yihiin dadka beerta Qudradda.

Yacquub Buule, wuxuu ka mid yahay dadka beeraleyda ah ee ku nool  Hareeraha Wabiga Shabeelle isaga oo la hadlay warbaahinta qaranka wuxuuna hoosta ka xariiqay  in dhul gaarayo 500 oo hectar oo ku taalla tuulada Kalluundi  biyaha ay dhex ceegaagaan,kuwaas oo ku beeran dalagyo kala duwan sida uu hadlka u dhigay.

Webiga Shabeelle ayaa gobolada Hiiraan  iyo Shabeellaha dhexe waxaa uu ka wadaa fatahaad taas oo khasaare ay ka soo gaareen bulsho badan oo deganaa hareeraha Webiga una badnaa beeraley kadib markii Webiga ay buux dhaafiyeen biyaha  Roobabka gu,a ay siwanaagsan uga da’ay  waxaana jira cabsida bulshadu ka qabaan Webiga.

Goobjoog News