U bood dhigaalka

Weerar Ay Ka Qeybqaateen Ciidamo Maraykan Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Kismaayo

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar ay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, AMISOM iyo kuwo Maraykan ah ku qaadeen saldhig ay ciidamada Al-shabaab ku lahaayeen duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Weerarkaan oo dhacay shalay ayaa lasoo sheegayaa in la bartilmaameedsaday xarun ay deganaayeen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Al-shabaab oo ku taallay deegaanka Cabdalla Biroole oo qiyaastii 60 Km u jirta Kismaayo, waxaana halkaasi ka dhacay Iska Horimaad.

Lama oga khasaaraha guud ee halkaasi ka dhashay, hase ahaatee waxaa la tilmaamay in ciidanka weerarka Fuliyey qaarkood ay halkaasi ku tageen diyaarado dagaal.

Xaaladda deegaanka Cabdalla Biroole waa mid deggan, ciidankii weerarka qaadayna waxaa la sheegay in dib ay halkaasi uga soo laabteen, iyadoo dhinayacdii dagaallamayna weli aanay wax war ah soo saarin.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News