U bood dhigaalka

Weerar Dhanka Cirka ah oo Laga Fuliyay Jilib iyo Dowladda oo Faahfaahin Ka Bixisay

Sheeko:Amniga
Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa faahfaafin ka bixisay weerar dhanka cirka ah oo ciidamada sirdoonka iyo saaxiibadooda ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo xarun u ah kooxda  Al-shabaab.
Howlgalkaan ayaa waxaa lagu beegsaday fasiimo gaar ah, waxaana bayaan lagu baahiyay warbaahinta dowladda lagu sheegay in weerarkaas lagu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah iyo goobo lagu burburiyay weerarka.
“Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa weerar ka fuliyay Magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe oo xarun u ah Khawaarijta Al Shabab. Weerarka oo lagu beegsaday bartilmaameedyo gaar ah ayaa geestay Khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo xarumo la burburiyay” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay dowladda federalka oo looga hadlay weerar JIlib.
Weerarkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli muddooyinkii dambe ciidanka dowladda iyo Jubbaland ay wadeen dhaqdhaqaqyo ciidan, kuwaas oo ku wajahan qabsashada magaalooyin ka mid ah maamulkaas oo Al-shabaab ay ka taliyaan, waxaana howlgalkaas kala qeyb qaadan doona ciido ka socda kuwa safka hore ee soo gaaraya dalka.
Goobjoog News