U bood dhigaalka

Weerar Ismiidaamin Ah Oo Lagu Qaaday Gaadiid Uu La Socday Safiirka Imaaraadka Ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Qarax Ismiidaamin ah ayaa goor dhaw waxaa lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, kaas oo marayay meel ku dhaw Isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan oo laga maqlay meelo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in uu fuliyay ruux watay Gaari lagu sheegay NOHA, waxaana uu ku dhiftay mid ka mid ah gaadiidka dagaalka oo la socday safiirka.

Inta la xaqiijiyay waxaa halkaasi ku dhimatay Shan qof oo Laba ka mid ah ay yihiin ciidamada dowladda Halka Seddaxda kalena la sheegay in dad shacab ah yihiin, waxaana dhaawaca uu yahay mid intaasi ka badan.

Safiirka ayaa ka badbaaday weerarkaasi, waxaana goobta qaraxaan uu ka dhacay gaaray ciidamada dowladda Federaalka oo baaritaan halkaasi ka wada.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News