Weerar Ismiidaamin Ah Oo Lagu Qaaday Kolonyo Uu La Socday Madaxweynaha Koonfur Galbeed

Wararka laga helayo gobalka Shabellaha Hoose, ayaa waxay sheegayaan in gabal dhacii maanta weerar Ismiidaamin ah lagu qaaday Kolonyo Gaadiid ah oo uu la socday Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Gaadiidkani oo marayay sida la sheegay meel ku dhaw deegaanka Carbiska ayaa lala eegtay weerarkan oo wararka qaar sheegayaan in gaari loo adeegsaday.

Qaar ka mid ah ciidamadii ilaalada u ahaa Shariif Xasan ayaa la sheegay in ay soo gaartay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, hase ahaaree lama oga khasaaraha rasmiga ah inta uu la egyahay tiro ahaan.

Shariif Xasan ayaa la sheegay in uu ka tagay degmada Afgooye markii weerarkaan lala eeganayay, halkaasi oo maanta kulamo uu kula lahaa waxgaradka gobalka Shabellaha Hoose iyo sidoo kale saraakiisha amniga.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la xaqiijiyay inuu bad qabo, waana markii Labaad oo uu ka badbaado weerar Ismiidaamin ah oo lala eegto.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW