U bood dhigaalka

Weerar Ismiidaamin Ah Oo Lagu Qaaday Saldhigga Degmada Waaberi Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa islamarkaana uu saarnaa qof naftii hure ah ayaa goor dhow waxaa lagu weeraray saldhigga degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Goob jooge ayaa u sheegay Goobjoog News, in gaarigan lagu dhuftay darbiga saldhigga degmada Waaberi kadibna uu qarxay, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Khasaaraha inta uu la egyahay weli lama oga, waxaana goobta qaraxa uu ka dhacay ku qulqulaya gaadiidka gurmadka degdegga ah.

Saldhigga degmada Waaberi ayaa saaran laamiga Makka Al-mukarrama, kuna dhow isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa noqonaya kii Saddexaad oo ka dhaca magaalada Muqdisho bisha Ramadan gudaheed, waana kii Labaad oo dhaca muddo Todobaad gudahiisa ah.

Dhanka kale qaraxan ka dhacay saldhigga Waaberi wuxuu imaanayaa xilli ciidamada xasilinta Muqdisho ay aad u adkeeyeen ammaanka magaalada, islamarkaana ay baaraan  dhammaan gaadiidka maraya waddooyinka magaalada Muqdisho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News