U bood dhigaalka

Weerar Ka Dhacay Afghanistaan Oo Ay Dad Ku Dhinteen

Sheeko:Dalka

Mas’uuliyiin u hadlay xukuumadda Afghaanistaan ayaa waxay sheegeen in 5 qof ay ku dhinteen weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen bar coontarool oo ku taallo waqooyiga Afghanistan.

Afhayeen u hadlay guddoomiyaha gobolka Saribyol ayaa waxaa uu sheegay in dadka dhintay ay u badanyihiin rayid, kuwaas oo ay ku jiraan caruur iyo haween.

Afhayeenka ayaa waxaa uu intaas hadalkiisa ku sii daray in weerarka sidoo kale lagu dilay 7 ka mid ah ciidamada ammaanka afghaanistaan iyo qaar ka mida kooxihii weerarka soo qaaday.

Dhanka kale kooxda Taalibaan ayaa waxay sheegeen in weerarka ay qaadeen ay ku dileen 28 xubnood oo taageero xukuumadda Afghanistaan, waxayna iska fogeeyeen in weerarkaan ay ku dhinteen dad rayid ah.

Madaxweynaha Afghanistaan  Ashraf Gaani ayaa cambaareeyay weerarkaan waxaa uuna yiri “ Waxay dileen argigixisada dambiilayaasha ah dad rayid ah mar kale, oo ay ku jiraan caruur iyo haween, waxayna caddeeneysaa dhaqankooda foolxumada aha, arrintaani ayaa ah dambi  dagaal iyo ku tumashada xaquuqul insaanka”.