U bood dhigaalka

Weerar Ka Dhacay Degmo Kamid ah Muqdisho iyo Toogasho Xigtay

Sheeko:Amniga

Wararka laga helayo degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheegayan in nin hubeysan uu Bam gacmeed uu xalay ku weeraray ciidamo ka tirsan dowladda kuwaas oo fariisin ay ku leh meel aan ka fogeyn isgoyska.

Bam gacmeedka ayaa waxaa lasheegayaa inuu khasaare dhaliyey waxaana  uu dhaawac soo gaaray laba askari oo katirsan ciidankii  deganaa goobta la weeraray, mana jiro dhaawac ama dhhimasho shacabka ah ee lasoo sheegay.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in xili ninkii weerarka uu isku dayey inuu goobta isga baxsado, laakiin uu toogtay askari la sheegay inuu dharcad ahaa oo ku sugnaa nawaaxiga halka ay ciidamadu degan yihin.

Ciidamada Booliiska oo goobta soo gaaray ayaa waxaa ay qaadeen meydka ruuxii la doogtay, waxaana ay bilabeen baaritaanno ay ka sameeyey, magaalada ayaa inta badan waxaa ka dhaca weerada nuucaan oo  kale ah.

Goobjoog News