U bood dhigaalka

Weerar Ka Dhacay Magaalada London

Sheeko:Dalka

Magaalada London ee caasimadda waddanka Ingiriiska waxaa ka dhacay weerar loo adeegsaday mindiyo booliska waxa ay sheegeen inay dileen 6 qof oo ay ku jiraan saddex qof oo weerarka soo qaaday.

Saraakiisha ciidamada booliska ee London waxa ay sheegeen in si geesinimo leh ay uga hortageen kooxihii weerarka soo qaaday, waxayna sheegen in saddex qof ay weerarka soo qaadeen lana dilay.

Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa waxay sheegeen inay qaadeen ku dhawaad 30 qof oo dhaawaca kuwaas oo wax ku noqday labadii weerar oo ka dhacay magaalada London.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in la xiray saddex Ispitaal oo ugu waaweyn magaalada kuwaas oo agtooda weerarka uu ka dhacay.

Weerarkaan ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli isbuucyo laga joogo weerar lagu qaaday goob ku taallo magaalada Manchester oo ay ka socotay xaflad iyadoo ay ku dhinteen 22 qof halka ay ku dhaawacmeen 50 kale.