U bood dhigaalka

Weerar Khasaare Dhaliyey oo Ka Dhacay Kismaayo iyo Howlgallo Ka Socda Magaalada

Sheeko:Amniga

Ciidamada ammaanka magaalada Kismaayo ayaa saaka howlgallo ballaaran waxaa ay ka wadaan magalaada, waxaana howlgalka ka qeyb qaadanaayo ciidamada booliiska iyo kuwa nabad sugidda maamulka Jubbalan.

Howlgalkaan ayaa waxaa uu yimid kadib markii habeenimadii xalay weerar Bom gacmeed  lagu qaaday hoyga magaalada Kismaayo uu ka degan yahay guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha wakiillada maamulkaasi

Cabdi Baaleey Xuseen ayaa xalay kooxo waxaa ay hoygiisa ku weerareen Bom gacmeed , howlgalladaan ayaana ciidanku ku baadigoobayaan raggii ka dambeeyey weerarka lagu qaaday guriga guddoomiye ku-xigeenka 2-aad .

Weerarka  ayaa waxaa la sheegay inuu dhaawac uu ka soo gaaray qoyska guddoomiye Cabdi Baaleey, waxaana inta la xaqiiijiyey uu dhaawac soo gaaray sedex ruux oo qoyska ah, kooxdii weerarka qaaday ayaana goobka ka baxsatay.

Magaalada Kismaayo ee caasimadda u ah Jubbaland ayaa inta badan waxaa ay ciidanku ka sameeyaan howlgallo amniga lagu xaqiijinaayo, mana jiro wax war ah oo weli ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aaday weerarka.

Goobjoog News