Weerar Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Afgaanistaan

Mas’uul ka tirsan waddanka Afghaanistaan ayaa waxa uu sheegay in 7 qof ay ku dhimatay  22 kalane ay waxyeello ka soo gaartay qarax lala beegsaday meel ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Afgaanistaan, kuwaas oo sugayay in la siiyo mushaaraadkooda ee magaalada Lashirgaa ee koonfurta waddankaasi, mas’uuliyadda weerarkaan ayaa waxaa sheegatay dhaqdhaqaaqa ururka Daalibaan .

Afhayeen u hadlay ciidamada ku sugan magaalada Lashirgaa ayaa waxa uu sheegay dadka dhintay inay ku jiraan 3 askari , balse taliyaha booliska ayaa isna waxa uu sheegay dadka dhintay inay ku jiraan caruur.

Ururka Daalibaan ayaa waxa uu sheegtay mas’uuliyadda weerarkaan waxaana xaqiijiyay Afhayeen uhadlay ururkaas oo lagu magacaabo Yuusuf Axmadi kaasoo bartiisa twitterka ku qoray inay dileen 39 askari oo ay ku jiraan saraakiil.

Dhanka kale madaxweynaha dalka Afghaanistaan Cabdullaahi Cabdullaahi aya waxa uu cambaareeyay weerarkaan isagoo tacsi udiray  dadkii qoysaskii  ay waxyeeladu ka soo gaartay .

Gobolka Haliminda ayaa waxa uu ka mid yahy gobolada ugu badan oo ay ka dhaceen dagaalada ka dhacay  koonfurta waddanka Afghaanistaan.

Related Articles

One Comment

  1. Sportsmail columnist Martin Keown answers your questions every week. Today, the former Arsenal and England defender takes a look at Arsene Wenger’s ‘Invincibles’. Arsenal Invincibles Special… TACKLE KEOWN LIVE: Gunners legend answers your questions on the 10th anniversary of Arsene Wenger’s unbeatable side

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW