U bood dhigaalka

Weerar Ku Bilowday Qaraxyo oo Lagu Qaaday Saldhig Ciidan oo Ku Yaalla Baardheere

Sheeko:Amniga

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa weerar ku bilowday qarax ku qaaday Saldhig ciidanka doladda ay ku leeyiihiin duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana kasoo baxaya warar kale duwan.

Weerarka qaraxa ah ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhaxeeyay  dagaalmayaal ka tirsan Kooxda Al-shabaab ee weerarka soo qaaday iyo ciidanka ku sugnaa goobta la weerar.

Dagaalamayaal ka tirsan kooxda ayaa dhowaan weeraray guriga  Martida degmada Baardheere, halkaas oo ku dhaawacmeen guddoomiyaha gobolka  iyo Abaanduulaha 43-aad ee xoogga dalka.

Weerarradaan ayaa waxaa ay kusoo aadayaan iyadoo muddooyinkii sambe magaalada lagu uruurinayay askar badan, kuwaas oo loo diyaariyay dagaalka Al-shabaab ee deegaannada Jubbalanad.

Goobjoog News