U bood dhigaalka

Weerar Lagu Qaaday Saldhig Ciidan oo Ku Yaalla Ruunnirgood

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Ruunnirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegay subaxnimadii hore ee Saakay dagaalmayaal ka tirrsan Al-shbaab ay weerar ku  qaadeen Saldhig ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku lahaayeen duleedka magaalada, sida ay sheegayaan wararka la helayo.

Weerarka oo ku bilowday Qarax loo adeegsaday gaari ayaa waxaa xigay dagaal xooggan oo dhexmaray kooxdii weerarka soo qaaday iyo ciidanka dowladda, dagaalkaan ayaa imaanaya iyadoo maalin ka hor dagaal xooggan uu ka dhacay deegaanka Daaru-nicma oo ka fogeyn Ruunnirgood , kadib weerar lagu qaaday.

Dagaalka ayaa geystay khasaare soo gala gaaray labada dhinac, waxaana lasoo warinayaa inuu wali socdo dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa Gorgor ee Kumaandooska oo kaashanaya kuwa deegaanka, ma jiro wax war oo ilaa iyo hadda kasoo baxay dowladda ee ku aadan dagaalka soconaya.

Ciidanka dowladd iyo kuwa deegaanka Al-shabaab ayaa Al-shabaab ka saaray degmooyin iyo deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana markaas wixii ka dambeeyay kooxda ay weerro dhowr ah ku qaaday Saldhigyo ciidanka huwanta ah ay ku leeyihiin qeyb kamid ah gobolka oo laga saaray.

Goobjoog News