U bood dhigaalka

Weerar Lagu Dhaawacay Saraakiil oo Ka Dhacay Degmada Deyniile

Sheeko:Amniga

Warar kale duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo loo adeegsaday Miinooyin oo Saakay lagu weeraray guriga taliyaha Nabad sugidda degmada Deyniile ee gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cali Waqooyi oo deganaa xaafadda Saban Saban, halkaas oo ku dhow xerada Kulyadda Jaalle Siyaad.

Qaraxyada oo jugtooda siweyn loo maqlay ayaa inta badan sababay khasaare dhaawac ah, waxaana la sheegayaa in dadka dhaawacmay ay ku jiraan taliyaha Nabad sugidda degmada, taliyihii hore ee xilkaas soo qabtay Cumar Cabdi Fiidow iyo askar ilaalo u aheyd saraakiisha la weeraray.

Wararka ayaa sidoo  kale sheegaya  in dad la daris ahaa guriga la beegsaday ay soo gaareen dhaawacyo kale duwan ay kasoo gaareen qaraxyada, ciidamada ammaanka oo goobta gaaray ayaa bilaabay baaritaanno ku aadan weerarka lagu qaaday guriga taliyaha Nabad sugidda degmada.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weerarro nuucaan oo kale, kuwaas oo ay geystaan Al-shabaab, waxaana inta badan lagu weeraraa mas’uuliyiin  dowladda iyo Shakhsiyaad gaar ah, iyadoo ay waxyeelo kasoo gaarto dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Goobjoog News