U bood dhigaalka

Weerar Lagu dilay 49 Qof oo Ka Dhacay Niger

Sheeko:Amniga

Koox looga shakisan yahay iney ka tirsan yihiin Islaamiyiinta galbeedka Afrika ayaa la sheegayaa in ay dad rayid ah ku dileen dalka Niger.

Sida ay qortay Reuter’s , ugu yaraan 49 qof ayaa dhimatay halka 17 kale ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday deegaanka Tchombangou halka 30 kale lagu dilay Zaroumdareye, labada deegaan waxaa ay dhacaan galbeedka Niger oo ah xadka Mali.

Kooxo xiriir la leh Al-qaa’ida ayaa waxaa ay weeraro ka fuliyaan Saaxil iyo guud ahaan dalalka galbeedka Afrika.

Dhanka kale, dalal ay ka mid tahay Faransiiska ayaa sheegay in askar looga dilay dalka Maali.

Goobjoog News