U bood dhigaalka

Weerar Lagu Qaaday Ciidamo Ka Tirsan AMISOM Oo Ku Sugan Gedo

Sheeko:Dalka

Weerar gaadiid dagaal looga gubay ciidamada Kenya ee AMISOM ayaa maanta ka dhacay gobalka Gedo ee Koonfurta Galbeed Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya inta u dhaxeysa degaannada Buuzaar iyo Ceelwaaq ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in kolonyo ciidamo Kenyaati ah oo ka soo baxay fariisimo ay ku lahaayeen Buuzaar oo ku sii jeeday Ceelwaaq jidka uu dagaal ku qabsaday.

Warar madaxbannaan ayaa sheegaya in baabuur dagaal laga gubay ciidamada Kenya isla markaana uu hakad galay isa socodka wadada kooxda hubeysan ay weerarka kula eegatay AMISOM.

Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo ku sugan Gedo ayaa sheegay in weerarkan ay ka dambeeyaan Al-shabaab, balse khasaaraha nafeed ee ka dhashay weli lama shaacin.

Saraakiisha ciidanka Kenya ee Gedo wax faah faahin ah kama aanay bixin weerarkaan lagu qaaday ciidankooda.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News