U bood dhigaalka

Weerar Lagu Qaaday Deegaanka Masagawaa ee Gobolka Gaduud

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ay la haayeen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka Masagawaa , waxaana sidoo kale xigay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay labada dhinac.

Dowladda ayaa sheegtay in ciidanka xoogga ay ku guuleysteen in ay iska caabiyaan weerar lagu saoo qaaday sida lagu sheegay qoraal ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda, deegaanka ayaa waxaa gaaray gurmadyo kala yimid degmooyinka Ceeldheer iyo Ruunnirgood.

Deegaanka Masagawaa ayaamaalinimadii shalay waxaa sida la sheegay ku sugnaa saraakiil ka tirsan xoogga dalka siyaasiyiin, kuwaas oo kormeer u tagay deegaanka, waxaana xusid mudan in deegaanka dowladda ay la wareegtay bishii January sanadkaan 2023 dhowr iyo toban sano kadib.

Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa sidaan oo kale waxaa ay weerar ku bilowday qaraxyo ay ku qaadeen fariimo ciidanka dowladda ay ku lahaayeen deegaanka Budbud, waxaana saraakiisha ciidanka ay sheegeen in weerarkaas la iska caabiyay sida ay hadalka u dhigeen.

Gobolka Galgaduud ayaa waxaa maalmihii dambe ka socday howlgal ay wadeen ciidanka doiwladda oo garab ka helaya kuwa deegaanka, waxaana ay la wareegeen deegaanno dhowr ah oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab, iyadoo u jeedku yahay degmada Ceelbuur.

Goobjoog News