U bood dhigaalka

Weerar Lagu Qaaday Saldhig Ciidan oo Ku Yaalla Ruunnirgood

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar ku bilowday qaraxyo oo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Ruunnirgood ee gobolka Shabeellahadhexe, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidan ka tirsan dowladda federalka iyo kuwa deegaanka.

Weerarka iyo Qaraxa iyo  is xigay ayaa  waxay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ku beegsadeen Saldhig ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ku lahayeen deegaanka Ruunnirgood, waxaana xigay dagaal xooggan oo dhexmaray labada dhinac.

Dhinacyada dagaalamay ayaa isku adeegsay Hubka nuucyadiisa kale duwan, waxaana si dhab ah loo ogeyn khasaaraha dhab  ah ee ka dhashay iyo midka soo gaaray dadka shacabka, Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa dhowaan Al-shabab ka saaray.

Goobjoog News