U bood dhigaalka

Weerar Lagu Qaaday Xarun Ciidamada India Ku Lahaayeen Meel Ku Dhaw Xuduudda Ay La Wadaagaan Pakistan

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan ayaa weeraray bar ay leeyihiin ciidamada cirka ee dalka India meel u dhaw xuduuda dalkaasi uu lawadaago dalka Pakistaan.

Rasaas ayaa laga maqlay gudaha saldhigga ciidamada cirka ee Pathankot, waxaana la soo wariyey in dagaalkan ay ka qeyb qaateen diyaarado dagaal oo dowladda Hindiya ay leedahay.

Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca Hindiya Nitin Wakankar, ayaa sheegay in ay toogteen laba ka mid ah dadkii saldhigga soo weeraray.

Saraakiisha dalkaa ayaa laga soo xigtay in weerarka loo isticmaalay gaari polis-ku uu lahaa kaas oo la afduubtay, iyagoo ragga weerarka qaadayna ay xirnaayeen dareeska ciidamada dalka India.

Dhacdadan ayaa timid Laba Maalin un kadib markii ra’iisul wasaaraha dalka India Narendra Modi iyo dhiggiisa dalka Pakistan Nawaz Sharif, ay kulan ku yeesheen magaladda Lahore si ay u billaabaan wadahadallo lagu sii xalliyo khilaafka horay u jiray.

Warbaahinta maxalliga ah ee dalkaasi ayaa werisay in dhacdadan ay ku lug lahaayeen ugu yaraan Afar illaa Shan dagaalyahan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa soo weriyey in maleeshiyada weerarka qaaday ay aad u hubeysnaayeen oo ay doonayeen in ay geystaan qasaaraha ugu badan ee suurta galka u noqon karay.

Waxaa aad looga shakisanyahay in weerarkan ay qaaday kooxada Jaish-e-Mohammed oo saldhigoodu yahay gobolka lagu muransanyhay ee  Kashmir gaar ahaan dhanka India ay maamusho, waxaana dowladda India dhowr jeer ku eedeysay dowladda Pakistan in iyadu ay taageerto kooxdan.

Goobjoog News