U bood dhigaalka

Weerar Lagu Qaaday Xarun Ganacsi Oo Ku Taalla Indonesia

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Jakarta ee dalka Indonesia ayaa sheegaya in koox hubeysan ay weerar qaraxyo iyo rasaas toos ah ku qaadeen xarun ganacsi oo ku taalla magaaladaasi.

Xaruntan la weeraray ayaa lagu magacaabaa Sarinah , waxaana dableyda hubeysan markii hore ay qaraxyo ka fuliyeen banaanka hore ee halkaasi, iyaga oo ugu dambeyn gudaha u dhaadhacay.

Rasaas xooggan ayaa la maqlayaa, iyadoo loo maleynayo in dableydaan ay dad gaar ah bartilmaameed-sanayaan.

Ciidamada Booliiska ayaa isku gadaamay xarrunta la weeraray, iyadoo khasaaraha halkaasi ka dhashay warar kala duwan laga helayo.

Wararka qaar ayaa xaqiijinaya in halkaasi ay ku dhinteen Lix qof oo Afar ka mid ah ay yihiin dableydii weerarkaasi qaadday.

Sarkaal u hadlay Booliiska ayaa sheegay inay toogteen Afar ka mid ah dableydaasi, kuwo kalena ay ku daba jiraan.

Weeraro sidaan oo kale ah ayaa horay uga dhacay dalka Indonesia, waxaana weeraradaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News