U bood dhigaalka

Weerar Qaraxyo Ku Bilowday oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Weerarro loo adeersaday Qaraxyo ayaa lagu qaaday maqaayadda Real Beach ee ku taalla Xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, waxaana laga helayaa faahfaahinno dheeraad ah.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in koox hubeysan ay gudaha u galeen dhismaha maqaayadda, iyaga oo ka dhex dagaalamaya, waxaana durba goobta gaaray ciidamo ka tirsan Police Militaire.

Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Banaadir Macalin Mahdi iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidan ammaanka ayaa gaaray goobta, majiro wax hadal ah oo kasoo baxay laamaha amniga.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdiasho ayaa muddooyinkii dambe ka rooneyd qaraxuada  nuucaan oo kale ah, tan iyo markii amniga caasimadda lagu wareejiyay ciidamada Police Militaire.

Goobjoog News