U bood dhigaalka

Weerar Sababay In Albaabada Loo Xiro Xarunta Congress-ka Oo Ka Dhacay Washiton

Sheeko:Amniga

Dhismaha Capitol-ka ee Mareykanka ayaa la xiray kadib markii gaari la jiirsiiyay labo sarkaal oo ka tirsan Booliska Mareykanka, sida laga soo xigtay Mas’uuliyiin u hadashay Ilaalada Xarunta.

Booliska ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ay Toogtteen Qof lagu tuhmayo in uu weerarkan uu geeystay , iyadoo Isbitalka la geeyay Sarakisha la dhaawacay .

Ugu yaraan hal qof ayaa la toogtay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Waaxda Dabka iyo EMS ee Washington DC.

Wargeysyada Washiton  ayaa soo wariyay in darawalku uu middi kaga booday gaariga ka dib markii uu gaariga ku dhuftay xayndaabka laga galo Capitol .

Darawalka ayaa markaa weeraray mid ka mid ah askarta, markaas oo askartu ay toogteen tuhmanaha, sida ay goordhaw Shaaciyeen Booliska Washiton DC.