U bood dhigaalka

Weerarkii Hotel Tawakal oo Lasoo Afjaray iyo Faahfaafinta Khasaarihii Ka Dhashay

Sheeko:Amniga

Ciidanka ammaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay soo afjaraan weerar maanta lagu qaaday Hotelka Tawakal ee magaalada Kismaayo, kaas oo dabley hubaysan ay gudaha u galeen,  kadib markii lagu qaaday weeraray qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Qaraxaha ka dhacay hotelka ayaa waxaa lasoo wariyaa inuu geystay khasaare badan, kaas oo isugu jira dhimasho iyo sidoo kale dhaawacyo, saraakiisha laamaha amniga waxaa ay sheegeen in la toogtay kooxdii gudaha u gashay Hotelka oo sedex qof ahaa, sida ay sheegayaan wararka laga heayo laamaha amniga.

Wasiirka Amniga gudaha Jubbaland S/ gaas Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in qaraxa ka dhacay hotelka ay ku geeriyoodeen 9 ruux oo shacab ah, halka ay ku dhaawacmeen 47 kale, waxaana uu u xusay in dadka ay wax soo gaareen ay ku jiraan Arday dugsi Qur’aan.

Raysal wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya dalka  Xamse Cabdi Barre ayaa si adag u cambaareeyey  weerarkii lagu qaaday hotelka Tawakal, waxaana uu tacsi u diray dadkii ku geeriyooday weerarka, ciidanka ayaa soo badbaadiyay dad badan oo ku sugnaa hotelka inta aan weerarka lagu qaadin.

“Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu naxariistii Janno siiyo dhammaan shuhadada ku shihiiday weerarkii fulaynimada ahaa ee ay argagixisadu ku beegsadeen maanta shacabkii harsanayaayey hotel Tawakal ee Magaalada Kismaayo inta ku dhaawacantayna uu u booga dhayo” ayuu yuri.

Barqanimadii maanta ayey aheyd markii koox hubaysan ay weerar ku qaaday hotelka, waxaana gudaha u galay qaar ka mid ah, kuwaas oo ka dhex dagaalamayay, howlgalka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo badbadiyay dad badan oo ku xanibnaa hotelka oo bulshada qeybaheeda isgu jiray.

Goobjoog News