U bood dhigaalka

Weerarkii Jaamacadda Gaarisa Oo Hal Sano Kasoo Wareegtay

Sheeko:Dalka

Maanta oo kale 2-dii April 2015, rag ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday jaamacadda Gaarisa oo ay ku dileen arday gaareysa 147 qof oo rag iyo dumarba isugu jiray.

Weerarkaasi oo saameyn ku yeeshay arday badan iyo sidoo kale dadka ku dhaqan magaalada Gaarisa ayaa hadane waxaa maanta la xusayaa sanadkii 1-aad ee kasoo wareegtay weerarkaasi.

Munaasabado kala duwan oo lagu xusayo weerarkan ayaa ka socda Jaamacadda Gaarisa, waxaana ka qeybgalaya mas’uuliyiin dhowr ah.

Waxaa bannaanka kore ee Jaamacadda la suray Boor weyn oo ay ku qoran yihiin dhammaan magacyada ardeydii lagu dilay weerarkii halkaasi ka dhacay Sanad kahor.

Hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya Aadan Barre Ducaale oo ka mid ah mas’uuliyiinta ku sugan Jaamacadda Gaarisa ayaa mar uu maanta ka hadlay halkaasi waxa uu sheegay in dhacdadiid ka dhacday gaarisa ay ka mid tahay dhacdooyinkii ugu xumaa ee noloshiisa soo maray, balse weerarkaasi uusan kaliya ahayn fal argagaxiso oo ka dhacay Gaarisa kaliya balse uu ka dhici karo adduunka intiisa kale, sidoo kalena tusaale usoo qaatay weerarkii Biljamka.

“Waxaan jeclaan lahaa in fursaddaan uga faa’ideysto inaan uga mahadceliyo dhammaan Kenyaanka garab istaagay Gaarisa, saacaddii ay u baahnaayeen in la garab istaago, tani waxay caddeenaysaa in haddii la midoobo laga adkaan karo dhammaan caqabadaha iyo dhibaatooyinka ay geystaan Al-shabaab” ayuu yiri Aadan Barre Ducaale.

“Waxaan boogaadinayaa dowladda oo kor u qaadday ammaanka iyo hogaamiyayaashii, madaxdii kale u jilbo dhigtay in nabadda ay kala shaqeeyaan dowladda” ayuu hadalkiisa ku daray xildhibaanka.

Sidoo kale munaasabadani waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin guddomiyaha Gaarisa Nabiib Jaamac, xidhibaanka laga soo doorto degmada Faafi ee Gaarisa Ilyaas Barre Shiil iyo xildhibaannada matasha Dumarka Shukran Guure, xildhibaanka deegaankaasi laga soo magacaabay Cabdi Nuur Maxamed iyo xubno kale.

Sagaal bil kadib weerarkii Jaamacadda Gaarisa ayaa dib loo furay Jaamacadaasi, inkastoo ardaydu aysan ahayn sidii hore oo kale.

Saameynta weerarkii Gaarisa ee dadka deegaanka.

Markii Al-shabaab ay weerarkaasi ku qaadeen jaamacadda Garisa waxay saameyn badan ku yeellatay shacab farabadan oo qaarkood dhaqaalo badan kasoo geli jiray jaamacaddaasi, sida ardayda waxyaabaha ay iibsan jireen, agabyada jaamacadda u baahato iyo waxyaabo kale.

Waxay caqabadda ugu daran soo wajahday xilligaa ardaydii dhiganayey Jaamacaddaasi oo muddadii ay xirneyd ahaa kuwo waxbrasho la’aan ah.

Haweenka iyagu nolol maalmeedkooda ka raadsan jiray waxyaabaha ay raashiin ahaanta u cunaan ardayda Jaamacadda Gaarisa ayaa iyaguna mudadaasi ahaa kuwo dhibaato xooggan ay ku reebtay xirnaanshiyaha Jaamacadda iyo weerarkii halkaasi lagu qaaday.

Hadda Jaamacadda Gaarisa si caadi ah ayeey howsheeda u socotaa, waxaa gudaha jaamacadda laga hirgeliyay Saldhig Booliis, sidoo kalena waxaa halkaasi ilaalo ka haya ciidamo badan oo amniga sugaya.

Goobjoog News