U bood dhigaalka

Weerarkii Mali Oo Lasoo Afjaray

Sheeko:Dalka

Ciidamada dalalka Mali, Faransiiska iyo Mareykanka ayaa sheegay in ay soo afjareen howl-gallo lagu bad baadinayey 170 ruux oo rag ka tirsan Ururka Al-Qaacida ay ku qabsadeen Hoteel ku yaala Magaladda Bamako ee Dalka Maali.

Talafeshinka Qaranka Dalka Maali ayaa xaqiijiyey geerida 27 ruux oo ah dadkii Hoteelka ku sugnaa iyo Sadex ka mid ah kuwii weerarka soo qaaday.

Radisson Blu ayaa ah Hoteel ay imaashihiisa caan ay ku yihiin Diblomaasiyiinta, dadka hantida leh iyo Dalxiisayaasha kuwaas oo u badan reer galbeed.

Weerarka waxa sheegtay koox xiriir la leh Al-Qaacida oo ku kala qeybsan ku biiritaanka IS taas oo lagu magacaabo Al-Mourabitoun.

Warar laga helay dad ay soo daayeen dagaalyahanadda Hoteelka qabsaday ayaa sheegay in la weydiiyey diinta ay heystaan iyadoo dadkii Quraanka Kariimka ah aqriyana la soo daayey.

Warbaahinta ayaa tabineysay Filimo muujinaya dad laga soo badbaadiyey Hoteelka oo aad u qal qalsan.

Ragga weerarka soo qaaday ayaa tira ahaan lagu qiyaasay in ay gaarayeen illaa 10 qof kuwaas oo ku dhawaaqayey ALLAAHU AKBAR.

Dad ka badbaaday weerarka ayaa saxaafadda u sheegay in ragga Hoteelka Qabsatay ay ku hadlayeen af English taas oo sii badisay thunka ah in shaqsiyaad Ajaabin ah ay ku lug lahaayeen dhacdadan ka dhacday Hoteel Radisson Blu Hotel oo ku yaala bartamaha Caasimada Bamako.

Al-Qaacida ayaa tartan kula jirta ururka IS sida ay sheegayaan quburadda wax ka qora arrimaha islaamiyiinta, waxaana weerarkan loo arkayaa mid ururka Al-Qaacida uu ku muujinayo awoodiisa.

Goobjoog News