U bood dhigaalka

Weeraro Ismiidaamin Iyo Rasaas Toos Ah Oo Lagu Qaaday Hotelka Saxafi Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Goor dhaw ayaa weeraro Ismiidaamin ah iyo rasaas toos ah waxaa lagu qaaday Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Gaari ayaa marka hore la sheegay in Hotelka lagu qarxiyay albaabkiisa, waxaana ka dib xigay Rag hubeysan oo gudaha Hoteelka galay.

Qarax Labaad oo isna Ismiidaamin ah ayaa waxyar ka dib halkaasi ka dhacay, iyadoo khasaaraha halkaasi ka dhashay aynu warar horudhac ah ka helayno.

Inta naloo xaqiijiyay waxaa halkaasi ku dhimatay 5 ruux, dhaawacana waxa uu ka badan yahay 13 waxaana dadka dhaawacmay ku jira wariye u shaqeynayay wakaaladda wararka ee Reuters.

Gudaha Hoteelka Saxafi ee ku dhaw isgoyska Km-4 waxaa ka soconeysa rasaas xooggan, iyadoo wadooyinka gala Hotelka ay yihiin kuwo xiran.

Ciidamo badan oo ka tirsan dowladda Federaalka ayaa ku qulqulaya halka dagaalka uu ka socdo, waxaana laga yaabaa in khasaaraha uu intaasi ka bato.

Hotelka Saxafi waxaa deganaa xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya, diblomaasiyiin, mas’uuliyiin ciidan iyo xubno kale.

Ammaanka Hoteelka ayaa ahaa mid aad loo adkeyn jiray, iyadoo dadka lama filaan ay ku noqotay weerarkaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News