U bood dhigaalka

Weeraro Ka Dhacay Waddanka Jamhuuriyadda Africada Dhexe Oo Ay Dad Ku Dhinteen

Sheeko:Dalka

Waddanak Africada dhexe waxaa ku dhimatay 11 qof, ka dib weeraro silsilad ah oo lagu qaaday dhawr magaalo oo ku yaallo bartamaha Jamhuuriyadda Africada dhexe.

Guddoomiyaha gobolka Bambaari ee Jamhuuriyadda Africada dhexe ayaa waxa uu sheegay in kooxo hubaysan ku dhaqaaqeen  inay weeraraan dad ku dhaqan magaalooyin ka tirsan waddankaasi, kuwaas oo uu sheegay in hal mgaalo ay ku dileen 7 qof, halka ay 4 kale tuulo kale ku dileen.

Waadanka Jamhuuriyadda Africada dhexe ayaa waxa uu dadaal ugu jiraa inuu ka gudbo rabshadaha uu dhiiga ku daadanayo, kuwaas oo soo bilowday bishii Maarso ee sanadkii 2013kii, rabshadahaan ayaa waxay u dhaxeeyaan xisbiga isbahaysiga siyaasadda iyo millatariga ee talada haya Seleka, kaasi oo u badan muslimiin iyo kooxaha misiixiyiinta ah oo lagu magacaabo Ani Baalikaa.

Dirirta u dhaxeysa laba dhinac ayaa waxay keentay dhimashada kumanaan qof iyo barakicinta kumanaan kale, qaramada midoobay ayaa waddanka Jamhuuriyadda Africada dhexe waxay horay ugeesay ciidamo  gaaraya 12kun oo askari si ay u ilaaliyaan deganaanshaha iy xasiloonida waddanka, waxayna gaarsiiyeen in waddanka Africada dhexe uu ka baxo xaaladdii ku meel gaarka ahayd iyo in lagu qabtay doorashooyinkii madaxtinimo ee ka dhacday waddanka  bilawgii sanadkii 2016 kii.

Goobjoog News