U bood dhigaalka

Weeraro Safmar Ah Oo Xalay Muqdisho Ka Dhacay!

Sheeko:Amniga

Magaalada Muqdisho ayaa xalay marti galisay weeraro kala gedisan oo ay xaafado ka tirsan caasimadda ku qaadeen xubna ka socda Shabaab.

Weeraradaan ayaa ka dhacay xaafada Kaxda, Daarusalaam, Huriwa iyo deegaanka Calamada ee duleedka magaalada Muqdisho.

Kooxa hubeysan ayaa xalay saqdii dhexe weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ku qaaday saldhigga degmada Kaxda ee gobalka Banaadir.

Qaraxa ayaaa inta badan laga maqlay xaafadaha degmada waxaana kadib xigay weerar toos ah oo ay gudaha saldhiga ugu galeen kooxihii weerarka qaaday, halkaas oo ciidamada iyo al-shabaab uu ku dhex maray dagaal qaatay muddo saacado ah.

Ciidamada booliiska ayaa markii dambe ay u suura gashay in ay iska caabiyaan kooxdii weerarka soo qaadday, waxaana halkaas al-shabaab ay ku burburiyeen saldhiggii degmada.

Khasaaro kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka ay al-shabaab ku qaadeen saldhigga degmada Kaxda.

Waxaana goobta lagu dilay xubno katirsan kooxdii weerarka soo qaadday, waxaana burbur uu soo gaaray qaar kamid ah guryahii ka agdhawaa saldhigga.

Ma cadda tirada rasmiga ah ee dadka ku dhaawac may weerarka iyo kuwa ku dhintay, balse sawiro laga soo qaaday saldhigga degmada ayaa muujinaya burburka soo gaaray saldhigga.

Dhinaca waxaa weerar gaadma ah lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa booliiska oo saldhig ku lahaa deegaanka calamada oo u dhaxeeya Muqdisho iyo ceelsha biyaha.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay iska caabiyeen kooxihii weerarka soo qaaday, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan kuwaas oo aan si rasmi ah loo shaacin.

Xaafadda Daarusalaam ee degmada Dayniile ayaa sidoo kale waxaa xalay saqdii dhexe ka dhacay weerar loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Weerarka ayaa lagu qaaday fariisimo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Daarusalaam ee degmada deyniile ee gobalka banaadir.

Waxaana sidoo kale dagaal uu ku dhex maray deegaanka ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo xubnahii weerarka soo qaaday.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarka daarusalaam ku dhaawac may 16 qof, halka ay ku dhinteen laba gabdho oo yar yar sida ay sheegeen booliiska Soomaaliya.

Magaalada muqdisho oo jawi aan daganeyn ku jirtay xalay ayaa waxaa sidoo kale kooxa hubeysan waxa ay weerar loo adeegsaday bambooyinka gacmaha laga tuuro ku qaadeen guri uu daganaa guddoomiye waaxeed ka tirsan degmada Huriwa.

Ilaalada guddoomiyaha ayaa la sheegay in ay iska caabiyeen kooxahii weerarka ku soo qaaday hooyga guddoomiyaha, waxaana ka dhashay goobta khasaaro kala geddisan.

Ill iyo hadda macadda tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay weerarka lagu qaaday guriga guddoomiye waaxeedka ka tirsan degmada Hilwa.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in kooxa hubeysan ay weerareen saldhigga degmada hodan kadib qoraal uu soo dhigay barahiisa Bulshada xalay.

“Kooxaha argagixisada waxaa ay caawa abaare 1:00am weerar kusoo qaadeen daafaha magaalada Muqdisho, balse ciidamada amniga ayaa ka difaacay shacabka kooxa nabad diidka ah, faahfaahinta isku dayga cadowga waxaa shacabka lawadaagi doonoa dhawaan ciidanka Booliska Dalka” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Amniga.

Dhinaca kale taliska ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa ka hadlay weerarada xalay lagu qaaday xarumaha dowladda ee gobalka banaadir.

Afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa ka hadlay weerarada xalay ka dhacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

“Weerarka ka dhacay Degmada Kaxda waxaa waxyeello kusoo gaartay Dad rayid ah & dhismaha Saldhigga Degmadaas, Ciidamada ayaa sameeyay howlgallo ka dhan ah kooxaha weerarka soo qaaday” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska.

“Daarusalaam weerarka ka dhacay waxa ay waxyeello kasoo gaartay ilaa 16 ruux oo Shacab ah oo dhaawac soo gaaray, waxaana u xannuun badan ilaahaye ha u naxariistee labo Gabdhood oo yar, saddex Askari oo Booliis, Miliatari & kooxaha ka shaqeeya nabadgalyada ayaa waxyeello ku gaartay” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Cabdifitaax Aadan Xasan.

Weeraradaan ayaa ku soo aadayo xilli dhamaan hogaanka dalka iyo kuwa amniga ay ku kala qeybsan yihiin mas’uuliyadda amniga dalka iyo kan caasimadda.

Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhowr jeer oo horay dalbaday in lagu wareejiyo mas’uuliyadda amniga dalka, kaas oo ay Madaxweynaha waqtigiiisu dhamaaday Maxamed Farmaajo ay isku khilaafeen.

Dhinaca kale wasiirka Amniga xukuumadda  iyo maamulka amniga gobalka Banaadir ayaa iyaguna ah kuwa isku khilaafsan cidda leh mas’uuliyadda amniga gobalka.

Iyadoo dhowr jeer oo horay uu gudoomiye ku-xigeenka amniga gobalka uu u diiday fulinta amar ka soo baxay wasiirka amniga xukuumadda.

Sikastaba isfaham la’aanta hogaanka dalka iyo kan amniga ka dhex jirta ayaa kordhisay weerarada ay geeysanayaan kooxda al-shabaab.

Goobjoog News