U bood dhigaalka

Wejiga Labaad Ee Shirka Jowhar Oo Maanta Furmaya

Sheeko:Dalka

Maanta oo sabti ah ayaa lagu wadaa in magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe ka furmo wejiga Labaad ee shirka maamul u sameynta gobollada Shabelleha Dhexe iyo Hiiraan.

Wejiga Labaad ee shirkan waxaa ka qeybgalaya Odayaasha dhaqanka ee gobollada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana looga hadli doonaa arrimaha la xiriira sameynta maamulkan cusub.

Magaalada Jowhar waxaa tagi doona xubno ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana shirkan uu soo maray marxalado kala duwan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ku guuleystay inay dib usoo celiso inta badan Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan oo dhaliilsanaa shirkaasi.

Ammaanka guud ee magaalada Jowhar waa mid aad loo adkeeyay, iyadoo magaaladaasi guud ahaan laga dareemayo qaban qaabada shirkani.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News